Muuqaalo-Sawirro: Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland oo shaacisay degooyinka ku guulaystay Mashruuca Bulsho, Gaalkacyo, Eyl, Bareeda & Buraan

1a1a7

20  Aug 2026 (Puntland.com) Wasaaradda arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimoqraadiyeynta Puntland waxay isugu yeertay dhammaan degmooyinka Puntland, Wasaaradaha dawladda ee ku shaqada leh arrimaha maamul daadejinta iyo xubno ka tirsan bulshada qaybeheeda kala duwan. shirkaas waxay Wasaaraddu ku soo bandhigtay macluumaad ku saabsan mashruuca Bulsho iyo sida ugu habboon oo looga faa’iidaysan karo iyadoo ujeedada shirkaasu ahaa in madaxda degmooyinku ay fahan buuxa ka qaataan mashruuca isla markaasna fursad loo siiyo degmo kasta inay soo codsato ka qay qaybqaadashada iyo Ka faa’iidaysiga Mashruuca.

Waxaa codsiga soo gudbistay 19 degmo sidoo kale waxaan codsi soo gudbisan 16 degmo.

Degmooyinka waxay soo kala xereeyeen xirmooyinka A, B iyo C waxaana lagu kala saaray shuruudaha loo dejiyey ee ku cad Haga Fulinta Mashruuca (POM).

Sidaa awgeed waxaa ku Guulaystay Degmooyinka:

  • Xirmada A waxaa ku Guulaystay Degmada Buraan
  • Xirmada B waxaa ku Guulaysatay Degmooyinka Bareed & Eyl,
  • Xirmada C waxaa ku Guulaystaya Degmada Gaalkacayo.

About The Author