DUGSIGA SARE EE BURSAALAX OO NATIIJO AAD U SARAYSA KA KEENAY IMTIXAANKA DUGSIGA SARE EE PUNTLAND
22 Aug 2026 (Puntland.com) Dugsiga Sare ee Bursaalax ee degmada Bursaalax ayaa natiijo aad u sarreysa ka keenay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare ee Puntland oo maanta la sjhaaciyey.
Dugsigu wuxuu kaalimo sare ka galay Puntland oo dhan maaddooyin 9 ah oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah:
- Chemistry: Kaalinta 1aad
- Geography: Kaalinta 2aad
- Biology: kaalinta 3aad
- G.P: kaalinta 3aad
- Taariikh: kaalinta 3aad
- ICT: Kaalinta 3aad
- Af-Soomaali: Kaalinta 4aad
- Tarbiyada: Kaalinta 4aad
- Business: Kaalinta 7aad
- Math: Kaalinta 8aad
Natiijadaan aadka u wacan waa mid ku timid dadaal, tacab, qorsheyn iyo juhdi xoogan oo ay geliyeen ardayda, macallimiinta, maamulka Dugsiga sare iyo Guddiga boorka mashruuca.
Maamulaha Bursaalax Secondary School Cumar Aadan Tuuha ayaa geliyey dadaal xoogan oo ku qorsheeyey inuu kor u qaado natiijada ardayda ka qalin jabinaysa Iskuulka, kaaso o iminka miro dhalay. Sidoo kale waxaa dadaal xoogan sameeyey Guddiga boorka mashruuca Horumarinta Bursaalax oo uu hos yimaado Iskuulku.
Hambalyo Bursaalax Secondary School, hambalyo maamulaha Ardayda, Guddiga boorka mashruuca iyo waalidiinda, Habalyio Degmada Bursaalax ee gobolka Mudug.









