Muuqaal-Sawirro: Madaxweyne Cirro oo kulan la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Gen Mahad Cambaashe, Siyaasiyad Fahiima Yusuf Quuje

1a1a5

22 Aug 2026 (Puntland.com) Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada kulan kula yeeshay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Yaasiin X. Maxamuud (Faratoon), General Mahad Cambaashe, Siyaasiyad Fahiima Yusuf Quuje, Guddoomiyaha Guddida Nabadda Somaliland Cabdulqaadir Jirde, Wasiirro iyo Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda.

Kulankaasi ayaa diiradda lagu saaray xoojinta gogosha nabadda, midnimada iyo wadajirka bulshada Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu mar kale xaqiijiyey in laga bilaabo maalintii loo dhaariyey xilka, 12.12.2024, mudnaanta koowaad ee Xukuumaddiisu ay tahay ilaalinta nabadda, xasilloonida iyo walaalaynta shacabka Somaliland, min bari ilaa galbeed, isaga oo carrabka ku adkeeyey in wixii khilaaf iyo xurguf ah ee jira lagu xalliyo wada-hadal, is-afgarad iyo walaalnimo waarta.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu si gaar ah ugu mahad naqay Siyaasiyad Fahiima Yusuf Quuje, isaga oo uga mahad naqay ku soo noqoshada dalkeeda iyo sida ay ugu soo hiratay ciiddeeda iyo calankeeda, taasoo wax ka tari karta gogosha nabadda iyo walaalaynta bulshada Somaliland ee bariga Gobolka Sool.

Madaxweynuhu waxa uu ku boorriyey dhammaan qaybaha bulshada in ay ka wada shaqeeyaan nabadda iyo isku duubnida, maadaama Somaliland ay tahay hoy iyo dal ay wada leeyihiin dhammaan muwaadiniinteedu, midnimadeeda iyo nabaddeeduna tahay masuuliyad oo wada saaran.

About The Author