Maqaal: Shirka Muqdisho waxuu astaan u yahay 2 fashil oo is daba yaala

50b

Mar waxuu muujinayaa astaanna u yahay in soomaalida iyo beesha caalamkaba ku hongoobeen dowladdii loo hanweynaa ee soomaalida iyo caalamkaba juhdiga badan ku bixiyeen, lana unkan sanadkii 2012, Xassan Sheekhna madaxweymaha looga dhigay, Dowladdaasoo howsha loo igmadayna ay ahayd in 4-ta sano ay dalka ku gaarsiiso hanaan dowladnimo.
Marka labaad shirkan waxuu astaan u yahay fashil labaad oo hadda soo muuqda kaasoo laga garan karo cadaalad-darrada loo agaasimay shirkan oo uu dilaal ka yahay mr Kay, sida in la yiri waxaa siman codadka madaxweynaha Dowladda Puntland Prof.Gaas iyo Cabdi Kariim oo aan wada og nahay inuusan haysanin sharciyad dastuur iyo mid shacab toona. Arinkan waxuu muujinayaa in aan Xamar lagu haynin danta umadda soomaaliyeed, howsha ka socotana ay tahay mid ku saleysan Dilaal iyo deal iyo wax kala macaashid.

Xaqiiqada biyo kama dhibcaanka ah ee loo baahan yahay in ay fahmaan shacabka soomaaliyeed ayaa ah in xilligan la joogo dalkeena aysan ka jirin dowlada dhab ah, waxa meeaha lagu hayaana waa magac u yaal iyo rajo ah in mustaqbalka la helo dowlad soomaaliyeed.

Magacyada aan warhaabinta ka maqalno, sida dowladda Soomaaliya, Ciidamada qaranka Soomaaliyeed, Tv-ga qaranka soomaaliyeed iyo magacyada la mid ka ah ma aha wax xaqiiqa ahaan u jira.
Dowlad soomaaliyeed waxaa ugu dambeeysay tii Allah ha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre, wixii ka dambeeyay laga soo bilaabo Cali Mahdi ilaa lagu keeno Xassan Sheekh waxay ahaayeen rajo (hope).

Waxaa jirta maahmaah carabi ah oo dheheysa ” hadeysan jiri lahayn in wax la isweydiiyo Dameerkaba waxuu noqon lahaa faqiih ama sheekh caalim ah oo afarta madhabood ka jawaaba. Waxaan ula jeedaa magaca “DOWLAD” macna badan ma sameeynayo mar hadii lagaa waayo astaamihii dowladnimo.

Shabaabul mijaahidiin, wa magac aad u quruxbadan, balse waan og nahay meesha ay kala joogaan iyaga iyo Jihaad. Alqaacida, macnaheedu waa assalka iyo halka fikir ahaan laga duulayo si loo soo celiyo sharafta diinta, waxay ku howlantahayna ma aha wax diin u gargaaraya.

Sida ururadaas uga fogyihiin magacyadaas quruxda badan ee ay sheeganayaan ayey dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne xassan maanta uga fogtay magaca Dowlad soomaaliyeed. Hadalkaas dacaayad iyo xadgudub toona ma aha, waa xaqiiq, dowladnimada ma aha wax af laga sheegto ee waa howl iyo waajibaad la guto, waxayna leedahay astaamo lagu garto, dowladda Xassan Sheekh inoogama muuqdaan astaamihii dowlad lagu yaqaanay.

Taas waxay ka dhigan tahay, soomalida iyo beesha caalamkaba weli maysan helin baadidi ay goobayeen sanadaha badan.

Sanadkii 2012 markii la yagleelay dowladda federaalka, sidoo kalana ku meel gaarki laga baxay, umadda soomaaliyeed iyo beesha caalamka waxay qabeen rajjo aad u wanaagsan, iyo in mar dhow la heli doono baadidi Soomaalida ka maqneyn oo ah Dowladnimo.

Dowladda Xassan Sheekh waxaa la siiyay 4 sano oo ay dalka ku gaarsiiyo dowladnimo run ah, hase ahaatee taas ma dhicin waxayna ku mashquushay wax kale. Dib u heshiisiin umadeed kama shaqeynin, shuruuc iyo dowlad dhisidna looma dhaqaaqin. Hiigsiga 2016 iyo tubtii nabaddana ma qaadin oo way ka leexatay, waxayna u weecatay jiho kale.

Muddadii ay jirta Dowladda fedraalka Shabaab lama dagaalamin, taako ka mid ah dhulka soomaaliyeedna ma xoreynin, maanatana waxaan aragnaa Alshabaab oo albaabka u taagan Xamar, guula isdaba joog ahna ka soo hoyay degaano badan oo Xamar ku xeeran. Ciidamadii faraha badnaa ee inta lasoo hareer mariyay fariisimaha Alshabaab la soo dhoobay degmada Baraawe aaway maanta xagey ku dambeeyeen?

Waxay noqdeen qaar si toos ah ugu biiray Alshabaab, qaar deegaanadi ay ka yimaadeen ku laabtay, hubki ay wateena si toos ah iyo si dadban ugu wareejiya Alshabaab, iyo qaar niyad jabsan.

Ujeedada markii horeba lagu soo howlgeliyay ciidamada maysan ahayn in ay la dagaalamaan Alshabaab, waxay duulaan ku ahaayeen jiho kale. Hadda wixiiyoo dhan fashilme, talana gacan way ka baxday.

Taas waxaad ku garan kartaa awooda Alshabaab, siiba aaga gobolka Shabeelaha hoose oo mar keliya hawada isku shareertay.

Hadaan si kale u dhigno dowladda 3dii sano ee ay jiraty waxay u dhaqmaysay sida maamul-jabhadeed ay hogaaminayaan rag xag jir ah, kuwasoo aad ugu mashquulsanaa xisaabaad sokeeye iyo qabsashada gobolada dalka, iyada oo la adeegsanayo magaca Dowlad soomaaliyeed.

Waxaan ku soo gunaanadayaa sheeko fasiraad dheeri ah ka bixineysa waxa dhacay, waxa uu ku qotomo shirkan maanta ka furmay Muqdisho, iyo guud ahaan xaaladda uu marayo dalkeena Soomaaliya:

Beribaa waxaa la yiri nin reer miyi ah ayaa soo martiyay reer meel degan. Waxuu ahaa nin ay dani hayso oo doonayay in reerka uu wax-uun xoola ah amaba martisoor wanaagsan ah ka helo. Si taas ugu suurta gasho waxuu sheegtay in uu yahay nin sancoole ah oo yaqaana sida loo qoro/farsameeyo weelasha iyo agabka kala duwan ee ay reer miyigu isticmaalaan. Inta la soo jaray geed weyn ayaa lagu yiri, “bal sancooloow inoo qor/farsamee Dar aan Geela ku waraabsano.

Markuu muddo howshi waday ayauu yiri, “aawsheey Dar waa noqon waayay,Xeeraas noqday”,sida laga fahmi karo lahjadda, ninka waxuu ahaa dadka ku hadla lahjadda “May”. Waxaa la yiri “dhib ma laha, Xeeradaba inoo samee, waan u baahanahaye!”. Mudda ka dib ayuu hadana yiri ” AawsheyQuddaas noday, Dhakalaas noqday, Fandhaalaas noqday, ilaa ugu dambeyti uu yiraahdo: Aawshey wihi walba noqonweysay” ileen ninkan howshan uu faraha la galayba maba yaqaano, hunguri umbaa wada.

Soomaalida iyo beesha caalamka waxay dowlad soomaaliyeed goob-goobayeen laga soo bilaabo sanadkii 1991, xilligaasoo ay darka ka baxday dowlad tii ugu dambeysay ee ay yelato Soomaaliya. Hadda 3 sano ka dib dowlada fedraalka soomaaliya “walba noqonweysay”, sababtoo ah dhankii dowladnimadaba looma dhaqaaqin, waxaana 3 sano lagu mashquulsanaa wax dowladnimada iyo midnimada umadda wax u dhimaya.
Ajandaha maanta looga hadlayo shirkan ka furmay Xamar waa hal qodob oo ah: ” Dowladii aan dhisnay 2012 walba noqonweysaye maxaa nala gudboon, oo aan hadda qaban karnaa”?

Puntland shirki way ka baxday, waxaana soo baxay fashilkii labaad ee aan kor ku soo xusnay, nuxurkana waxuu noqonayaa “Soomaaliya walba noqon weyday from 1991 to 2015, Dilaaliinta Xamar fadhida ayaana ka masuul ah.

Bishar Haji
b.haji114@hotmail.com

Xigasho: Dhanaanmedia.com

About The Author