War-Murtiyeedka: Shirweynaha Dib-u-eegista & Horumarinta Adeegyada Aasaasiga ah ee Bulshada

1a1b2

24 Nov 2026 (Puntland.com) Xukuumadda Puntland ayaa baaqyo ka soo-saartay cabashada bulshada ee korontada, Biyaha, Shidaalka, Waxbarashada & Caafimaadka.

Hoos ka akhriso War-murtiyeedka:

Waxaa magaalada Garoowe ka qabsoomay (23-kii November 2026) Shirweynaha Dib-u-eegista iyo Horumarinta Adeegyada Aasaasiga ah ee Bulshada, gaar ahaan waxbarashada, caafimaadka, biyaha iyo korontada, kaas oo uu shir guddoomiyey Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Shirweynaha waxaa ka soo qaybgalay wasiirro, agaasimayaal guud iyo hawlwadeennada Wasaaradaha Waxbarashada, Caafimaadka, iyo Tamarta, Macdanta iyo Biyaha; Guddiga Xirfadlayaasha Caafimaadka; Guddiga Tacliinta Sare; jaamacadaha; dugsiyada; masuuliyiin ka socday isbitaallada dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay; iyo qaar ka mid ah shirkadaha bixiya adeegyada biyaha iyo korontada.

Ujeeddada shirweynuhu waxay ahayd in la helo aragtiyo, talooyin iyo warbixinno ku saabsan xaaladda dhabta ah ee hay’adaha iyo shirkadaha bixiya adeegyada aasaasiga ah ee bulshada, si loo qiimeeyo heerka adeegyadaasi marayaan, loona aqoonsado caqabadaha jira, si dejiyo qorshayaal lagu horumarinayo tayada, helitaanka iyo joogtaynta adeegyada.

Shirweynuhu, kaddib wadatashi iyo falanqayn, wuxuu soo saaray go’aannadan:

Adeega Waxbarashada

In dib u eegis iyo horumarin lagu sameeyo siyaasadaha iyo xeerarka waxbarashada, manhajka, agabka waxbarashada iyo goobaha waxbarashada.

In Wasaaradda Waxbarashada iyo Guddiga Tacliinta Sare ay diyaariyaan qorshe dhammaystiran oo lagu horumarinayo tacliinta sare ee Puntland.

In la tayeeyo tacliinta sare, lana soo kordhiyo maaddooyin iyo barnaamijyo waxbarasho oo si toos ah uga qayb qaadanaya wax soo saarka iyo koboca dhaqaalaha Puntland, gaar ahaan beeraha, kalluumaysiga, xoolaha iyo macdanta.

In kor loo qaado tayada waxbarashada dugsiyada hoose, dhexe iyo sare.

In dhammaan carruurta gaartay da’da waxbarashada loo abuuro fursado ay ku helaan waxbarasho tayo leh oo qiimaheedu yahay mid la awoodi karo.

In la kobciyo aqoonta, xirfadaha iyo awoodda maamul ee madaxda waxbarashada iyo macallimiinta, si kor loogu qaado tayada waxbarashada loona xalliyo gaabisyada jira.

Adeega Caafimaadka

In la horumariyo tayada iyo helitaanka adeegyada caafimaadka, si bulshada Puntland ay u hesho daryeel caafimaad oo tayo leh, la heli karo, qiimihiisuna yahay mid la awoodi karo.

In Dowladda Puntland iyo ganacsatada ay iska kaashadaan hirgelinta iyo horumarinta isbitaallo bixiya adeegyo caafimaad oo leh takhasusyo kala duwan.

In la xaqiijiyo aqoonta, xirfadda shaqo ee dhammaan shaqaalaha ka hawlgala xarumaha caafimaadka Puntland.

In la xoojiyo tayeynta aqoonta, khibradda iyo xirfadaha shaqaalaha caafimaadka

Korontada

In la dhiirrigeliyo lana maalgeliyo ka faa’iidaysiga ilaha tamarta dabiiciga ah, gaar ahaan tamarta cadceedda iyo dabaysha, si loo helo koronto jaban, nadiif ah oo joogto ah, taas oo qayb ka qaadanaysa horumarinta dhaqaalaha Puntland.

In Dowladda iyo shirkadaha korontadu ka wada shaqeeyaan dhimista qiimaha korontada iyo xaqiijinta joogtaynta helitaankeeda.

Biyaha

In la ballaariyo adeegyada biyaha, lana xaqiijiyo in bulshada Puntland ay hesho biyo nadiif ah, ku filan, qiimahooduna yahay mid la awoodi karo.

In mudnaan la siiyo horumarinta kaabayaasha biyaha, ilaalinta tayada biyaha iyo gaarsiinta adeegyada biyaha deegaannada aan haysan biyo ku filan.

In la horumariyo kaydinta iyo ka faa’iidaysiga biyaha roobka, si loo xoojiyo isku-filnaanshaha biyaha loogana faa’iidaysto wax soo saarka beeraha, xoolaha Si loo ogaado xaaladda dhabta ah ee dhaqaale iyo maaliyadeed ee shirkadaha bixiya adeegyada biyaha iyo korontada, waxaa la farayaa Hantidhowrka Guud inuu muddo kooban gudaheed ku sameeyo baaritaan rasmi ah, warbixinta natiijadana u soo gudbiyo Xafiiska Madaxweynaha.

Gaaska Karinta iyo Shidaalka Gaadiidka

In la dhiirrigeliyo isticmaalka gaaska cunada lagu karsado, lana yareeyo isticmaalka dhuxusha oo qayb weyn ka qaadata xaalufinta dhirta iyo deegaanka.

In Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha ay soo diyaariso qorshe lagu horumarinayo laguna hirgelinayo kaabayaasha kaydinta iyo qaybinta shidaalka iyo gaaska, si loo helo adeegyo joogto ah oo la isku halayn karo.

Cilmi-baaris iyo Qiimayn

In la sameeyo daraasad dhammaystiran oo lagu qiimaynayo xaaladda adeegyada aasaasiga ah ee bulshada, gaar ahaan tayadooda, qiimahooda, helitaankooda, joogtayntooda iyo caqabadaha ka jira bixintooda. Natiijooyinka daraasadda ay saldhigga u noqon doona dejinta siyaasadaha hortabinta u leh dowladda ee horumarinta adeegyada aasaasiga ah ee

bulshada.

GUNAANAD

Shirweynuhu wuxuu adkeeyey muhiimadda ay leedahay in Dowladda Puntland, shirkadaha gaarka loo leeyahay ee bixiya adeegyada aasaasiga ah iyo bulshada ay si wadajir ah uga shaqeeyaan horumarinta adeegyada bulshada.

-DHAMMAAD-

About The Author