Sawiro: Wasaradda Waxbarashada Puntland oo sagootisay arday deeq waxbarasho loo helay

24 Okt 2015 (Puntlandes) Munaasibad balaaran oo ay soo qaban qaabisay Wasaradda Waxbarashada oo lagu sagootinayo ardaydii kaalmaha hore ka galay Imtixaanka sanad dugsiyeedkii 2014/2015 ee Puntland ayaa shalay galinkii danbe lagu qabtay magalada Garowe.

Ardayda sanadkaan dawladda Puntland u dirtay Waxbarasho Dibadda ah ayaa gaaraysa 157, waxayna kala yihiin, 90 Ethoipia, 56 Suudaan, 11 Masar, waxaa sidoo kale Dawladdu deeq Waxbarasho guddaha dalka uga heshay 91 arday. Isugaynta guud waxay Ardaydu noqonaysaa 248 Arday oo Deeq Waxbarasho helay.

Waxaa kulankan sagootinta ah kasoo qayb galay Wasiirka Wasaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, ku xigeenkiisa, Qunsulka Itoobiya ee Puntland, masuuliyiin kale iyo waalidiin , waxana halkaas laga jeediyey khudbado lagula dardaarmayo dhalinyaradda fursada waxbarasho heshay.

Wasiir ku xigeenka waxbarashada Puntland Dr. Maxamed cali Faarax ayaa sheegay inay guul weyn u tahay tirada intaas le’eg wasaaraddu deeq waxbarashu udirto, wuxuuna sheegay inay ku timid dadaalka wasaaradda waxbarashada.

Dr. Maxamed Cali Faarax ayaa kula dardaarmay ardayda inaysan dayacin fursada qaaliga ah ee la siiyay ilamarkaana ogaadaan inay yihiin safiiro matalaya Puntland.

Qunsulka Ethiopia ufadhiya Puntland Ismalash ayaa sheegay wadankiisu inuu tixgalin gaar ah u haayo ardayda reer Punland, isagoo ku ammaanay inay yihiin arday ay ka go’an tahay inay waxbarashada inay meel sare ka gaaraan, wuxuuna intaas ku daray inuu xafiiskiisa u fududeeyay dhammaan warqadihii ay ku gali lahaayeen.

Wasiirka waxbarashada Puntland Dr, Abshir Yusuuf Ciise ayaa umahad celiyay wadamada Suudaan iyo Ethoipia oo uu sheegay inay mar walba garab istaagan yihiin waxbarashada Puntland.

Wasiirku wuxuu si aad ah ula dardaarmay ardayda tagaysa isagoo u sheegay marna inaysan niyadooda galin tahriib islamarkaana aysan lumin fursada la siiyay ee dahabiga ah.

121ecIMG_2423

IMG_2433

IMG_2435

IMG_2449

IMG_2451

IMG_2452

IMG_2460

IMG_2470

IMG_2475

IMG_2479

IMG_2485

IMG_2487

IMG_2498

IMG_2505

IMG_2512

IMG_2528

IMG_2533

 

IMG_2552

IMG_2560

IMG_2563

IMG_2566

IMG_2573

IMG_2578

IMG_2584

About The Author