Daawo Sawiro-Video Daartii Boqor Cismaan ee Baargaal

26 Okt 2015 (Puntlandes) Koox wariyaal ah ayaa booqday Daartii Allaha u naxariistii Boqor Cismaan Boqor Maxamuud oo dhisan in ka badan boqol sano,daartaa ayaa magalada Baargaal kaga taala dhinaca xeebta waxaana weli ka muuqda calaamadihii xiligii uu Boqor Cismaan noolaa la isticmaali jiray.

Ma jirto dayactir xoogan oo Daartan lagu sameeyay, hase yeeshee waxaa kuu muuqanaya markaa gudaha u gasho buugaag kooban oo dhexyaala iyo astaamo cadayn u ah mudada dheer ee deertu dhisnayd, waxaa naloo sheegay daartan inay dhiseen macalimiin u dhashan wadanka Yaman.

Nabadoon Axmed Salaad Cabdiraxmaan oo ka mid ah Odayaasha deegaanka Baargaal ayaa war bixin naga siiyay taariikhda guriga Boqor Cismaan iyo wixii uu sheeko ku hayo, guriga ayuu sheegay inuu dhisan yahay Qarni iyo dheeraad.

Dowladda ayuu ugu baaqay Nabadoonka inay ka war qabto gurigaan maadama uu taariikh facweyn xambaarsan yahay.

Sawirro hore, oo Boqortooyadii laga qaaday iyo magacyadda Boqortooyadii Sandalada isaga danbeysay ayaa ku arkaysaa guriga.

Sawiro
IMG_9141

IMG_9143

IMG_9144

IMG_9145

IMG_9146

IMG_9148

IMG_9151

IMG_9152

IMG_9153

IMG_9161

IMG_9163

IMG_9168

IMG_9173

IMG_9176

IMG_9177

IMG_9179

IMG_9180

IMG_9181

IMG_9183

IMG_9184

Xigasho: Puntlandpost.com

About The Author