Baarlamaanka Puntland Shaqo xan ku salaysan, Xaqiiqduna tahay lama raadshaan

“Waxaa shacabka nagasoo gaartey, cabasho ku saabsan, mushaar la´aan”

“ Waxaan maqalay oo nasoo gaartey  in la daabacay lacag cusub oo shilin soomaali ah, ee maxaa nooga sheegi kartaa”

“Waxaa naloo sheegay in la musuqmaasuqay lacagtii dawladda Kuwait ugu talo gashay Isbitaal laga dhisilahaa Boosaaso ee maxaad kala socotaa”

Erayadaasi waxay ahaayeen kuwii laga yiri Baarlamaanka Puntland markii ay “xildhibaanadu” waydiinayeen su´aalaha Madaxweyne Gaas.

Oo intaasba uga jawaabey si fudud oo ah  WAXBA KALAMA SOCDO, MA´DAABICIN DAWLADU LACAG SHARCI DARRO AH IYO WAXBA KAMA JIRAAN (XANTA AH) IN CIIDAMADU AYSAN MUSHAAR QAADAN. Intaas ka dib meesha ayaa lagu kala dareeray.

Bal aan is weydiino shu´aasha ah, Sidaas Baarlamaan ma u shaqeeyaa? Qaab Cankee ah baa doodu u dhacdaa? Hadii qof xukuumadda ka tirsan loo baahdo in su´aalo la weydiiyo, maxay tahay in laga fekero?

Qaababka Su´aali u hortimaado Baarlamaanka.

Horta inta aysan su´aal hor imaan Baarlamaanka waxaa haboon in la fahmo in hawlkasta oo ka socota waddan ay markeedii hore soo martay golaha Baarlamaanka. Taas oo ku soo martay qaab “budget” miisaaniyad ah ama qaab xeer iyo sharci ah. Barlamaanka aan ka hadlaynaa waa mid dimuqoraadi ah. Waxaa jiri kara kuwo aan iyagu ahayn Baarlamaan laakiin sita magic oo keliya , sida “Golihii shacabka” ee dawladdii  kacaanka, kuwaas oo shaqadoodu ahyd, Tusmo, ah in dalku Baarlamaan leeyahay sida waddamada caalamka iyo in ay marka uu u yimaado AUN Maxmed Siyaad ay qaadaan Nooloow madaaloow.

Waxa Hawl Baarlamaan lagu wadaa Motion, ama soojeedin rasmi ah.  Dadka ama dalalka,  lagasoo min guuriyey qaabkan shaqo ee aynu rabno in aynu ku dhaqano waxay u qeexeen sidatan “With a few exceptions all business, including the passage of legislation, is dealt with as a series of motions which are debated and decided one at a time.” Soojeedin rasmi ah oo inta laga doodo go´aan laga gaaro, middaas oo khusaysa hawl kasta oo Baarlamaanku qabanay,  marka laga reebo arrimo yar yar oo keliya.

Motion: kaas oo ku saabsan in Baarlamaanku wax sameeyo, wax amro in la sameeyo, muujiyo aragtidiisa qodob hawleed, waxaa lagusii qeexay in uu motion;ku yahay gundhika shaqada Baarlamaanka (The moving of and voting on motions is the basic building block of parliamentary procedure) iyo waliba in ay wax kasta oo go´aan ah ay ka yimaadaan in la isku raaco Motion (Decisions the House makes are made by it agreeing to a motion)

Waxaa soo jeedinaya ruux ka tirsan Baarlamaanka, ama tiro dhawr ah oo xildhibaano ah. Soojeedinta waa la muddeyn, waa laga doodin,  dabadeed go´aan kusaabsan wax ka bedel “Amendment” ama badelaad gabi ahaan ah baa laga gaaraa.

Taas waxaa dheer in su´aasha laga doodayo hore loogasoo shaqeeyey oo soo jeediyuhu u diro gudi xaqiijiya khaladka keenay, soojeedinta iyo khabiiro xaqiijiya sida ay arrintu qalooc iyo khalad ugu jirto. Soojeediyahana waxaa saaran in uu sifiican u akhriyo warbixinta gudiga iyo sharaxaadda khubarada. Waxay soojeediyeyaashu golaha keenayaan dood wax la hubo ah iyo aqoon ay sifiican u qaybeen sharaxaadda khaladka khubaradu ka bixiyeen. Waxay soo bandhigayaan qaab lagu saxo oo dhamaystiran ama qaab bedela oo dhamaystiran ama joojin hawshaas oo dhan.

See wax uga dheceen Baarlamaanka Puntland 26 Oct 2015.?

Waxaa 25kii bisha oo uu Baarlamaanku furmay,  ay isku dayeen koox “Xildhibaano  ah”  in ay gudbiyaan codsi afka ah oo isla goobta ka dhashay, kaas oo ku saabsan in ay madaxweynaha su´aalo weydiiyaan.

Soojeedintaasi meella kama waafaqsana qaabka shaqo ee Baarlamaan. Waxay ahayd mid isbaaro ah, oo ay damceen in ay u dhigtaan madaxweynaha. Isaguna wuu ka cudurdaartay maalinkaas. Arrini si kasta ha ahaatee waxaa la isugu yimid Baarlamaanka 26.kii bisha.

Waxaa meesha soo fariistay “xildhibaano” aan diyaarsanayn oo waxa ay weydiinayaan madaxweynaha oo dhami, waxay noqdee.  Kutirikuteen  iyo waxaa la isla dhexmarayey iyo waxaa nasoogaartey.

Meella kama soo gasho qaab su´aaleed Baarlamaan, mana keenin cadaymo aan ka ahayn in ay suuqa kasoo sarifteen lacag kun kun shilin ah oo aysan aqoon assalkeeda meesha laga keenay.

Su´aashii arrintaas ku saabsanaydna waxay noqotay sidatan.

madaxweyne waxaa naloosheegay in lacagtaan aad daabacday anaguna waxba kalama socono ee maxaad kala socotaa? Wuxuu madaxweynuhu uga jawaabey jawaab ku haboon su´aashaas wareersan, taas oo ahayd in aysan waxba ka jirin.

Baarlamaanka noocaas ah waxaa shaqo ka sugaysa ummad dhan oo lagu qiyaasay 3,9M.

Sida aan kor kusoo xusnay hawl kasta oo socota waxay ahayd in ay markeedii hore soo madho Baarlamaanka. Hadii waddo maalgelin lagu samaynayo waxay ahyd in ay ka muuqato, miisaniyadda dawladda oo ay iyagu hore u ansixiyeen. Haddii mushaar la bixinayo waxay ahayd in ay miisaaniyadii ay ansixiyeen ay ka muuqato. Haddii ajaanib ka kaluumaysanayso baddeena, waxay ahayd in ay ka dhexmuuqato sharciga iyo xeerarka kaluumaysiga (hadday jirriif tahay) iyo haday xalaal tahayba, illen jirriifkaba iyagaa sharciyayn karee.

Waxaa laga yaabaa in dad badan is weydiiyaan, sida ay macquulka u noqon karto in jirriif la sharciyeeyo. Laakiin hadaysan Baarlamaanku shacabka matelin waa sahal in ay sameeyaan, sida kuwaan aanba ka warqabin waxa dalka ka socda. Sheekadooduna ay tahay baraarug marka buuqa suuqu bato. Oo kaaga darane aysanba aqoon sida loo baaro oo loo bedelo waxa khaldan.

Bal hadda isbaaradii ay madaxweynaha u dhigteen maxay soo kordhisey?

Sow sheekadoodii oo dhami kuma soo ururin, waa layiri iyo sheekada fadhi ku dirirka igala taga.

Reer puntlandnow Allaa idiin maqan.

1106

 

W/Q: Maxamed Saliid Calisamey
Email: mxsaliid@gmail.com

Puntlandes.com

 

About The Author