Sawiro: Madaxweyne Kuxigeenka Puntland Oo Wado Laami ah Kadhax-dhigay Garoowe

29 Okt 2015 (Puntlandes) Wadaadaan laamiga lasaarayo oo isku xirta Isgoyska Bulsho ee laamiga Garoowe iyo wadada laamiga ah ee isku xirta xaafadaha Wadajir, Horseed iyo Waaberi ayaa waxaa munaasabadda lagu dhagax dhigayey ka qaybgalay madaxweyne kuxigeenka Puntland, wasiiro, maamulka degmada iyo saraakiil kala duwan.

Dhismaha wadadaan oo socon doona mudo laba bilood ah ayaa waxaa iska kaashanaya dowladda dhexe ee Puntland, dowladda hoose ee degmada Garoowe iyo barnaamijka horumarinta degmooyinka ee UN JPLG.

Duqa degmada Garoowe Xasan Maxamed Ciise Goodir oo ugu horayn kahadlay qoondada ay dowladda hoose ku kordhisay dhismaha wadadaan, wuxuuna baaq udiray dadka degan seedka labaad ee jidka sodonka.

Cabdiqani Cali Shire Cambaashe gudoomiyaha shirkadda dhismaha PACO oo ku guulaystay qandaraaska dhismaha wadadaan ayaa ka codsaday shacabka iyo dowladda inay kala shaqeeyaan habsami u socodka shaqadooda.

Wasiir kuxigeenka arrimaha gudaha dowladda Puntland Cabdullaahi Xaashi Qoob-deero, ayaa kahadlay muhiimadda wadadaan, wuxuuna shacabka kacodsaday inay shirkadda dhisaysa gacansiiyaan.

Madaxweyne kuxigeenka dowladda Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ayaa ammaanay dedaalka maamulka degmada Garowe, wuxuuna xusay inay waajibtahay dhamaystirka shaqooyinkii qorshaysnaa inta sanadka kadhiman.

Bulshada kunool hareeraha wadadaan laamiga lasaarayo ayaa siweyn usoo dhoweeyey shaqadaan, waxaana ay tilmaameen inay ka qaybqaadan doonto bilicda xaafadaha, Isusocodka gaadiidka iyo horumarka dhanka ganacsiga.

vlcsnap-2015-10-29-12h11m17s168 vlcsnap-2015-10-29-12h10m49s147 vlcsnap-2015-10-29-12h10m40s59 vlcsnap-2015-10-29-12h10m32s236 vlcsnap-2015-10-29-12h09m59s131 vlcsnap-2015-10-29-12h08m36s83 vlcsnap-2015-10-29-12h08m44s170 vlcsnap-2015-10-29-12h08m59s78 vlcsnap-2015-10-29-12h09m12s211 vlcsnap-2015-10-29-12h09m35s170 vlcsnap-2015-10-29-12h08m21s211 vlcsnap-2015-10-29-12h08m07s60 vlcsnap-2015-10-29-12h07m34s234 vlcsnap-2015-10-29-12h07m12s32 vlcsnap-2015-10-29-12h06m44s4 vlcsnap-2015-10-29-12h06m29s31

About The Author