Inaan Xiinka weelasha lala hoos roorayo Cidi ka cabayn waa arkayay

Waa dhacdo iska caadi noqotay gaar ahaan Geyiga Soomaalidu degto, waa marnaba aan ceeb ahayn dib u dhaca iyo is fahan waaga, duco iyo qayb bay u heleen qooyska Soomaalidu, Isuma Macinaan, Isuma ooyaan Mana kala Guuraan.

Akhriste Qoraalkaan waxaan isku dayi doonaa inaan ku cabiro aragtidayda ku aadan waxaan filyay Afar sano kahor iyo Natiijadii iiga soo baxday Filitaankii, Xiligii la doortay Madaxwayne Xasan Shiikh Maxamud 2012kii  Qorshayaashii lama dhaafaanka ahaa ee dawlada uu hogaaminayo ay qalinka ku adkaysay waxay ahayd dhisitaanka iyo hirgalinta Nidaamka Axsaabta iyo in 2016 wadanka ay ka dhici doonto doorasho Madax Banaan oo Qof iyo codkiis ah, hadaba Balantii Madaxwayana iyo Jaallayaashiisa Golaha Baarlamaanku waxay noqotay Hal bacaad lagu lisay, taas oo macnaheedu yahay Fashil ku yimid hanaankii Geeddi socodka Siyaasadii curdanka ahayd ee la doonayay in laga miro dhaliyo.

Mudadii Madaxwayn Xassan Shiikh iyo Jaallayaashiisa Golaha Baarlamaanku ay wadanka Shukaanta u hayeen waxay ka mid ahayd waqtiyadii khilaafka Siyaasadeed ee ugu badan uu wadanka hareeyay, waxaa jiray is jiidjiidad badan iyo been abuur fara badan oo lagu sameeyay Xeerkii Federaalka ee loo baahnaa in lagu socdo maadama isagu yahay midka wadanka loo dejiyey. Jilaafooyinka ugu tirade badan iyo Dabinnada ugu qalafsan waxay ka imaanayay dhanka Dawlada iyo Madaxda ugu saraysa ilaa ay gaartay Dowladu in Maamulada qaar ay lasafato.

Hogaan xumuada iyo fashilka cududda Dawladeed waxaa keena Aragti gaabnida Madaxda iyo waliba cadaalad darada, labad arimoodba waxaa lagu arkay laguna Bartay madaxda ugu saraysa Dowlada haatan Xilka haysa. Waxaa si kordhay baaxada Musuqmaasuqa iyo Weerarada lagu qaado xarumaha dowlada iyo kuwa ciidamada, waxaa iyana aan kala go’ yeelan Weerarada sida gaarka ah loola beegsado Siyaasiyiinta iyo madaxda dowlada ka tirsan, dhamaan wax yaalahaas waxay muujinayaan Hogaan xumada wadanka ka jirta iyo Sida aan Wali Soomaalidu ugu Bislaan inay Fahmaan cidda Hogaamin karta.ugu dambayntii waxaa dowladii ku dhacday sidatan.

Waqtiga haatan aan joogno waxaa magaalada Muqdisho lagu qabanayaa Shir, shirkaas waxaa la rabay inay kasoo qayb galaan dhamaan Qaybaha siyaasada iyo maamulada wadanka ka jira, Nasiib darase waxaa kaliya oo kasoo qayb galay Maamul iyo Maamul barkii, waxay arintaan Marag u tahay Guuldarada uu wadanka ku tilaabsaday waxaana hooyo iyo aabe u ah Madaxwayne Xassan Shiikh.

Waadiga isdooxayo

Midi daabka haystoo

Baddu kula daygaysoo

Dabin baad is galisoo

Cid kuu maciintiyo

dabaal aad taqaaniyo

Wiish kuma dalacayee

Awr dabar la’aan dhacay

Waxaa cuna Dhurwaagee

Dhab u fiirso dhab

Ha degdegani daydayo

Danta lagama  boodee

Didii aad uqowdaa

Dubkaagii gabooboo

Dibjirbaan ku moodee

Daa adiga daleediyo

Dooxyada fariistee

Dadka kaad la socotiyo

deriskaagi nacayee

 

Waxaan Rajaynayaa in Dowladaha dambe ay ka feejignaan doonaan nin jeclaysiga iyo in Soomaalida ay kala googooyaan ama Qabiilkii daashaday ay dib ugu celiyaan sida had dawladaani samaysayna aan la samayn doonin

 

W/Q: Bashiir Cumar Warsame

Email: bashiirc@gmail.com

About The Author