WAR DEG DEG AH: Shirkii Heshiisiinta Beelaha Colaadu ku dhexmartay Hawdka oo baaqday

2 Nov 2015 (Puntlandes) Shirkii Heshiisiinta Beelaha Walaalaha ah ee Colaadu ku dhex martay Hawdka Qoliley iyo Magacley oo lagu balansanaa inuu maanta furmo ayaa baaqday, isagoo dib u dhac uu ku yimid furmidiisii.

Xog ay Warbaahinta Puntlandes heshay ayaa sheegaya inay baaqashada ay sababtay kadib markii Dawladda Itoobiya ee u xilsaarnayd inay sugto Amniga goobta uu shirku ka dhacayo ay mas’uuliyiinteedii sheegeen inaysan iminka diyaar ahayn oo ay ku mashquulsan yihiin arrimo kale.

Isimadii iyo Ergadii Jubaland ee Gogosha dhigtay ayaa go’aamiyey inuu Shirku furmo 5 cisho kadib.

Wixii war ah ee kusoo kordha kala soco Warbaahinta Puntlandes.

 

About The Author