Reform:ka Shaqaalaha Dawladda ee madaxweyne Gaas ee Diinka saaran bay ku xirantahay in mushaar la bixiyo.

2 Nov 2015 (Puntlandes) Waxaa laga joogaa kudhawaad 2 sano, markii la doortay madaxweyne Maxamed Cali Gaas. Dad badan oo reer Puntland ah  aad bay u soo dhaweeyeen, iyagoo bidayey aqoon iyo waayo aragnimo uu ka kororsaday wadamad uu ku noolaa.

Isagoo og arrintaas, ayuu markii la doortay soo bandhigay reforms ama dibuhabayn uu damacsan yahay in uu ku sameeyo, Caddaaladda, Dhaqaalaha iyo Shaqaalaha dawladda.

Qormadaan waxaan ku eegeynaa bal waxa ka dhaqan galay, midda ku saabsan dibuhabaynta Shaqaalaha dawladda rayid iyo Ciidanba.

Waxaa madaxweynuhu magacaabay guddi tobaneeye (10) nin ah oo u xilsaaran arrintaas. Waxay raftaanba, waxay soo bandhigeen July sanadkaan in ay dhameeyeen qaybtii hore, middas oo aysan ku jirin ciidamada, wasaaradda waxbarashada, iyo wasaaradda caafimaadka. Ogow inta kale waxaa ku jira hay´ado ka kooban hal (1) Shakhsi oo kaliya, sida tan socdaalka. Waxaa cad in waxa ay tiro koobeen aad uga yar yihiin shaqada ay ahayd in ay qabtaan.

Reformka Gaas  ma mid aqoon ku salaysan buu ahaa misse maqal la maqlay waxbaa dibuhabayn lagu sameeyaa?

Aqooni markay hagayso shaqo, maxay tahay in la fiiriyo?

Tayada shaqada ( Efficiency)

Marka hawl la qabanayo waxay tahay in la eego qaabka ugu habboon shaqada in loo qabto iyadoo la dhiganayo hab loo cabiro qaabkaas oo ah KPI= Key Performance Indicator, ama waqtiga shaqada lagu qabanayo ama qalabka loo isticmaalayo ha noqdeene.

Tusaale, waxaad joogtaa Eyl, waxaad u socotaa Boosaaso. Si aad u gaadhid yoolkaaga waxa kuu bannan wadooyin faro badan oo intuba ku geynaya yoolka (Boosaaso). Sida waddada Xeebta iyo in aad meesha kuugu dhaw laamiga aad ka qabsato, waa markaad gaadiid wadato´e. Labadaba waad gaarin yoolkaagii, laakiin midina waxaad socon ugu badnaan 1,5 maalin. Tan kalena ugu yaraan asbuuc.

Aqooni haday ku hagayso, waa in aad marka horena qiimayn ku samaysaa hawsha sida ugu fiican ee loo qaban karo. Inta ay hawshu socotana waa in aad markasta u eegtaa inta aad plan:kii aad dhigatay u jirtid iyo weliba  in hab marriinka (strategy)  aad wax ka bedeli kartid si aad yoolka u gaadho sida ugu habboon.

Haddii meesha aqooni aysan oolin, arrini waxay ku danbayn sida hadda wax loo dhigay oo aynu aragno in aysan Faannoole fari ka qodnayn.

Gudigu muxuu sameeyey?

Waxay markiiba heshiis la galeen oo wateen shirkad, kaarar aqoonsi samaysa. Markaas bay qorsheysteen in ay iyagu tagaan meel kasta oo Puntland kamida, si ay shaqaalaha jooga mid mid ugu yeeriyaan oo masawiraan oo markaa kaar aqoonsi ugu sameeyaan.

Marna ma isweydiiyeen 2 sano gudohood waxaan samaynaynaa ma saxbaa?

Waa maya sababtoo ah waxay wax ka bedelilahaayeen qaabkaan in ay caddahay in haday sidaan wax kuwadaan, uu xukuumaddaan waqtigeedii dhamaanayo iyagoo aan weli kalabar gaarin. Hadda ogow in Xukuumad kasta oo ina soo martay ay daadiyaan shaqadii hore u socotey si ay iyagu kow iyo hadda uga soo bilaabaan.

Maxaa haboonayd in ay sameeyaan?

Waxaa habboonayd in ay Kaarka aqoonsiga  iyo helidda tirada saxdaa kala reebaan. Oo si tiro sax ah loo helo in ay daabacaan Form  isku mid ah. Dabeetana ugu kala diraan wasaaradaha iyo hay´adaha dawladda, kana codsadaan in ay shaqaalahooda ka codsadaan in ay iyagu soo buuxiyaan midkiiba labo form oo kusoo dhejiyaan masawir teesaro ay ayyagu galeen (qofkii samayn waayana uusan shaqaale ahaanayn). Form:kaas oo laga heli karo, macluumaadka looga baahan yahay shakhsiga, magaca, address:ka, meesha shaqada iyo waxa uu qabto. Markaas laga codsado in hal (1) Form:n laga codsado in laga heli karo xafiiska dhexe ee  wasaaradda iyo meesha local:ka ah ee qofkaasi ka shaqeeyo.

Markaa dabadeed lagu xiro shuruud, madaxda shaqaalahaas siday u kala sareeyaan. Shuruudaas oo ah in la helikaro qofka shaqaalaha ah marka loo baahdo. Haddii lawaayo oo la keeni waayo sabab rasmi ah in qofkaas madaxda ahi uusan   mas´uul noqon Karin isagaana shaqdiisa kuwaayaya (waa haduu rabey in uu qof aan jirin ku musuq-maasuqu 70$).

Waxaa xusid mudan in Cabdiweli Gaas layiri wuxuu aqoon fiican u leeyahay maamulida DHAQAALAHA  kaas oo loo hanweynaa, in ay hadda caddaatay in uu ku fashilmay tusaalooyinkaas sahalkaa, taas oo keentay in ay weli ciidamo u mudaharaadayaan mushaar la´aan. Isna uu ku jawaabey 2 sano kadib in ay tirintoodu socoto.

Waxaa is weydiin mudan dadku ma xoolaa, inta layiraahdo soo safta in madaxa laga tiriyo.

Haddiba iyaga (madaxda shaqaalaha eh) shaqo lagu aaminey, maysan mudnayn in masuuliyaddana iyaga la saaro, oo dabeed lala yimaado qaab lagula xisaabtamo.

Oo soo ma mudna hadaysan aamin gelin in aan shaqo loo dirsan.

Bal ka waran gudigoo inta shuruudahaas dhigta iyagu u shaqeeya qaab dabogal oo kaliya (audit) inta koobi ka qaata wasaaradaha iyo hay´adaha ay la tagaan goobta shaqo, u barbar dhigaan form:kaan kan yaala goobtaas markaa ay dalbadaan in ay arkaan qofka ay doonayaan.

Taasi waxay la mid tahay in aan maamuladii goboladda lagu aaminin shaqadoodii. Oo meelkasta looga baahan yahay guddi heer madaxwene ah, ama wasiir hadii kale aysan shaqo soconayn. Meshaa waxaa ka muuqata AQOON DARRI BAAHSAN OO KASOO BILAABATA MADAXWEYNAHA, Phd aan waxba kaaga tarayn shaqadaada in aysan ahayn wax la sheegto. Kolley aniga su´aal weyn baa ii saaran aqoonta madaxda Puntland iyo qaabka ay ku heleen.

1106

Xigasho: https://www.facebook.com/mohamed.saliid?fref=ts

Puntlandes.com

 

About The Author