Daawo Isbahaysi Xoog leh oo ay hargaysa kaga dhawaaqeeb Xirsi & 3da Musharax ee Xisbiga Kulmiye

2 Nov 2015 (Puntlandes) Munaasibad ballaaran oo qado sharaf ah ayaa waxay ka dhacday magaalada Hargaysa ee Caasimada Somaliland, taasoo looga dhawaaqay Isbahaysiga murashaxiinta xisbiga Kulmiye ku diidanaayeen guddi tallo bixin ah oo madaxweyne Siilaanyo u saaray khilaafka hada taagan ee xisbiga Kulmiye,

137bb1

Waxaana munaasibaddan ka soo qeyb-galay Murashax Xisbiga Kulmiye ee kala ah Maxamed Biixi Yoonis, Murashax Cabdicasiis Maxamed Samaale, Murashax Kijaandhe, guddoomiye xigeenka 1aad ee golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax, ku xigeenka 2aad ee Wakiilada Cali Yuusuf, guddoomiye xigeenka 2aad ee xisbiga Kulmiye Mudane Waabeeye, ku xigeenka saddexaad ee Kulmiye Cabdiraxmaan Talyanle, wasiiraddii iska casilay xilalkii ay ka hayeen xukuumadda Siilaanyo, xubno ka tirsan golaha dhaxe ee xisbiga Kulmiye,Madax-dhaqameed, ganacsato, haween iyo marti sharaf kale oo aad u tira badan.

137bb

Daawo Wasiirka hore ee Madaxtooyada Somaliland Xirsi ooFaahfaahiyay Sababaha uu Xilka isaga casilay


Daawo Murashax Biixi Yoonis

Daawo Musharax Kijaandhe

 

About The Author