Sawiro: Raysul Wasaare Sharmarke oo xafiiskiisa ku qaabilay Taliyaha Ciidamada Amisom

2 Nov 2015 (Puntlandes) Raysul wasaaraha DFS Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Taliyaha Ciidamada Amisom iyo Saraakiil kale oo Amisom ah.

Raysul Wasaare Sharmarke iyo Taliyaha ayaa kawada hadlay la dagaalanka Al-shabaab, dib u bilaabida dagaalada Al-shabaab looga saarayo Gobolada dalka iyo in mudada Dowlada uga harsan doorashada lagu soo afmeero dhaqdhaqaaqyada Alshabaab ay kawadaan Gobolada.

Taliyaha Amisom ayaa soo dhaweeyay in Ciidamada oo weheshanaaya kuwa Dowlada ay soo afjaraan dagaalada ay Al shabaab uga sifeynayaan Gobolada dalka, waxa uuna Taliyuhu Ra’isul wasaaraha ku wargaliyay inay ka go’an tahay inay soo afjaraan dagaalada ay kula jiraan Al-shabaab.

Taliyaha ayaa ballanqaaday inay dajin doonaan qorshihii ugu danbeeyay ee Al shabaab looga sifeyn lahaa Somalia ka hor inta aysan dhicin doorashada.

Raysul Wasaare Sharmarke ayaa isna soo dhaweeyay sida ay AMISOM uga go’an tahay la dagaalanka Al shabaab iyo inay Somalia kusoo celshaan nabada.




 

About The Author