Dhagayso: RW hore ee DFS Saacid & Fiqi oo ka hadlay Weerarkii Hotel Saxafi

3 Nov 2015 (Puntlandes) Weerarkii maalinkii Axadda ee la soo dhaafay ay Kooxda Al Shabaab ku qaaday Hotel Saxafi ee Magaalada Muqdisho, kaasoo ay ku dhinteen dad gaaraya 15 qof ayna ku dhaawacmeen 20 qof.

138a

Mas’uuliyiinta lagu dilay ayaa waxaa ka mida, allaha u naxariistii, Abbaanduullihi hore ee Ciidamada Xoogga Dalka Somalia, Jeneraal Cabdikariim Yuusuf Dahagabadan, Xildhibaan Cabdi Maxamed Abtidoon iyo Milkiilihii Hoteelka Saxafi Cabdirashiid Shire Ilqayte.

138bb

AUN Jeneraal Cabdikariim Yuusuf Dahagabadan ayaa waxaa lagu Xusuustaa Qaybtii lixaada lahayd ee uu kasoo qaatay dib u noolaynta dawladnimadii Soomaaliya.

Weerarkaas ahaa kii ugu dambeeyey weeraro ay Al-Shabaab ku qaado hoteellada Muqdisho, kuwaas oo ay ku dishay shacab badan iyo mas’uuliyiin.

138ba
Raysul Wasaarihii hore ee DFS Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa waxaa uu Weerakaas

Dhagayso RW Saacid oo ay waraysatay VOA

Ugu horays Raysul Wasaare Saacid waxa uu ka tacsiyeeyey Gen Farabadan, Xil Abtidoon iyo Ilqayte. Waxa uuna intaas kadib sheegay in loo baahan yahay in meel looga soo wada jeesto Al Shabaab door wayna ay DFS ka siiso maamul Goboleedyada iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed.
Waxaa kaloo isna ka hadlay Habacsanaanta dhanka Amniga ah ee ka jirta DFS Agaaismihii hore ee hay’adda nabad-sugidda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi

Dhagayso Fiqi


Fiqi ayaa dhalliilay ciidamada amniga oo uu sheegay waxay lumiyeen bartilmaameedkii looga baahnaa inay waajahaan.
Puntlandes.com

About The Author