Sawiro: Booqashadii uu Wefdi uu horkacayay Raysul wasaaraha DFS Sharmarke ay ku tageen xeryaha Dhadhaab

6 Nov 2015 (Puntlandes) Wefdi balaaran oo uu horkacayay Raysul Wasaaraha DFS Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa booqasho ku tagay xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya.
Wafdiga Raysul Wasaaraha waxaa ka mid ah Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed islaam(Axmed madoobe) Wasiirka Gaashandhiga Soomaaliya,  Wasiirka qorsheynta iyo iskaashika caalamiga, wasiirka Ganashandhiga, wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Danjiraha dowlada federalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Qunsulka Safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya Madaxa gudiga arimaha qaxootiga iyo barakacaayasha Soomaaliya Axmed daahir.

Raysul Wasaaraha iyo weftigiisa ayaa u kuur galay xaaladda nololeed ee qaxootiga Soomaalida ee ku jira xeryaha Dhadhaab, iyagoo tagay goobo dhowr ah sida xarunta dadka Soomaaliya ku laabanaya iska diiwangeliyaan, iskuulka sare xerada Ifo, Isbitaalka weyn ee xerada Ifo,

Wafdiga Raysul Wasaaraha ayaa markii dambe kulan xog wareysi ah xarunta hay’adda UNHCR ee Dhadhaab kula yeeshay horjoogayaasha xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab, iyadoo dhmaan mas’uuliyiinta la hadlay horjoogayaasha xeryaha ku booriyeen in ay dalkooda ku labtaan si iskood ah oo ayna cidna qasbeynin.

140

140a

140aa

 

About The Author