Xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan oo maanta kooxo hubeysnaa ay dhaawac ugu geysteen Degmada Xamarweyne ee magaalada Xamar oo geeriyooday

7 Nov 2015 (Puntlandes) Xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan oo maanta kooxo hubeysnaa ay dhaawac ugu geysteen Degmada Xamarweyne magaalada Xamar  ee Xarunta Gobolka Banaadir ayaa u geeryooday Dhaawicii soo gaaray.

Xildhibaanka la dilay ayaa ka tirsanaa Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Baarlamanaka waxa uuna ahaa Xoghayaha Guud ee Guddigaasi.

Xildhibaanka ayaa la sheegay in ay rasaas ku fureen dabley watay gaari nuuca kaaribta ah oo madow iyadoo ay dableyda ay goobta ka baxsadeen.

140d

Ma aha xildhibaankii ugu horeeyay oo lagu dilo magaalada Xamar ee Xarunta Gobolka Banaadir iyadoo dil loogu gaystay Xildhibaano badan.

About The Author