(SAWIRO) Codayntii Doorashadda G.Baarlamaanka Puntland oo hada Bilaabatey

Waxaa hada Aqalka Baarlamaanka dowladda Puntland ee magaaladda Garowe si toos ah uga bilowdey codaynta doorashadda Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo ay ilaa hada ay u tartamayaan Sadex Musharax,waxaana sadexda Musharax ee tartamaya ayaa kala ah Axmed Cali Salaad,C/xakiin Dhoobo Daarood iyo Siciid Cabdi Samatar Surcad.

Wareegi koowaad ee Doorashadda ayaa hada socota,waxaana Doorashadani ay tahay mid xaasaasi ah oo si toos ah looga daawanayo TV-dda Soomaalidda intooda baddan.

Doorashadda waxaa ka soo qayb galay Masuuliyiin aad u baddan oo ay kamid yihiin Isimadda Puntland,Aqoon yahano iyo marti kale.

Musharaxiinta u tartamaya xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa mid walba waxa uu sugayaa Natiijadda codaynta,waxaana shacabka reer Puntland ay sugayaan musharaxa ku guulaystey xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo ku eg ilaa 8.Jan 2019.

Wixii warar ah oo doorashadda ku saabsan kala soco Baahiyaha caalamiga ah ee Puntlandes.

3124

About The Author