War Dag’Dag ah Axmed Cali Xaashi oo ku guulaystey Doorashadda Gudoomiyaha Baarlmaanka Puntland.

(PE) Gudoome ku xigeenka kowaad ee Baarlamaanka dowladda Puntland C/xakiin Sh Cabdi Salaan ayaa ku dhawaaqey natiijadda Doorashadda gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland,waxaana uu sheegey in xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka dowladda Puntland ee muda’da ka hartey 8 Jan,2019 uu xilka Gudoonka Baarlamaanka u ku guulaystey Gudoomiye Axmed Cali Xaashi.

Gudoomiyaha Axmed Cali Xaashi ayaa helay codadka la tiriyey 41 cod halka Xidhibaan C/xakiin Dhoobo Daarood uu helay 22 Cod waxaan khasaarey 1 cod,dhamaan xildhibaanadda joogay oo codkooda dhiibtey ayaa ahaa 64 xildhibaan.

Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka dowladda Puntland Axmed Cali Xaashi ayaa u mahadceliyey xildhibaanadda maanta codkooda dhiibanayey oo ahaa 64 xildhibaan,waxaana uu sidoo kale u mahadceliyey Gudiga Doorashadda.

Xildhibaan C/xakiin Dhoobo Daarood oo isna hadlay waxa uu sheegey in aad ugu faraxsan yahay in ilaahay si sharaf leh ugu dhameeyey Doorashadda,waxaana uu si kaftan leh u sheegey in ay tartamayeen Isaga iyo dowladda taas oo macnaheedu noqonayo in Xukuumadda ay taageersanayd Gudoomiyaha xilka ku guulaystey.

Ciidamadda Amaanka ayaa saacadihii ay socotey Doorashadda si aad ah u dadkeeyey amaanka magaaladda Garowe waxaana doorashadani ay tahay mid lahay Xamaasad.

3

 

About The Author