Laba Musharax oo gudbey Wareega Labaad ee Doorashadda G/Baarlamaanka PL.

Musharixiinta kala ah Axmed Cali Xaashi iyo C/xakiin Dhoobo Daarood ayaa u gudbey wareega labaad ee doorashadda gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland.

Xildhibaan Axmed Cali Xaashi ayaa helay ilaa hadda codadka la tiriyey 40 Cod halka Xildhibaan C/xakiin Dhoobo Daarood uu helay 19 Cod,xildhibaan Siciid Cabdi Samatar Surcad ayaa isagu harey waxaana sidoo kale khasaarey labo Cod.

Xildhibaanadda Baarlamaanka Puntland ayaa hada ku jira Wakhti nasasho oo xildhibaanadu kusoo shaahaynayaan,waxaana Labadda musharax ee isku soo haray ay wadaan loolan adag oo ay ku doonayaan in uu midba ku guulaysto.

Daqiiqado kadib ayaa waxaa bilaabanaya Codaynta wareega labaad,wixii warar ah oo arimaha Doorashadda ku saabsan kala soco Puntlandes.com.

About The Author