Sawiro: Madaxweynaha DFS oo la kulmay Madaxweynaha Jabuuti Geelle

9 Nov 2015 (Puntlandes) Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh oo socdaal ku maraya dalalka ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya ayaa maanta gaaray Jabuuti, halkaasoo uu kula kulmay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Kulanka Labada Madaxweyne oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Jabuuti ayaa waxay ka wada hadleen xiriirka labada dal, iskaashiga dhanka ammaanka iyo la dagaalanka Argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga warbixiyay Madaxweyne Geelle xaalada Soomaaliya, waxaana uu la wadaagay arrimo kala duwan oo la xiriira ammaanka iyo siyaasada oo uu xusay horumar laga sameeyay.

Sidoo kale Madaxweynaha Jabuuti ayaa cadeeyay inuu xoojinayo taageerada dowladdiisa ay siineyso Soomaaliya, iyadoo Jabuuti Ciidamo ka socda Jabuuti ay qeyb ka yihiin howl galka AMISOM, kuna sugan yihiin Gobolka Hiiraan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shalay kula kulmay magaalada Entebbe Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni oo ciidamada ugu badan dalkiisa ay ka joogaan Soomaaliya.

Lugta saddexaad ee safarka Madaxweynaha ayaa ku tagi doona magaalada Riyadh ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, halkaasoo uu kaga qeyb geli doono Shir Madaxeedkii 4-aad ee waddamada xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta iyo dalalka ku yaalla Koonfuurta America.

IB0A8503IB0A8535IB0A8539IB0A8557IB0A8563IB0A8566

About The Author