Wasiirka Arrimaha Gudaha DFS Odawaa oo loo dhaariyay Xubinimada Baarlamaanka

9 Nov 2015 (Puntlandes) Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa waxaa maanta loo dhaariyay Xubinimada Baarlamaanka DFS, isagoo bedelay Xildhibaan Cabdi Maxamed Abtidoon oo 1-dii bishan ku geeriyooday weerarkii Hotel Saxafi.

133

Guddoonka Baarlamaanka ayaa maanta Wasiir Odawaa u dhaariyay Xubinimada Baarlamaanka Federaalka, isagoo mudada 10ka bilood ee u hartay Baarlamaanka hada jira uu ka sii mid ahaanayo.

Xubinimada Wasiir Odawaa ee Baarlamaanka Federaalka ayaa ku soo beegmeysa, iyadoo dhawaan la filayo in la isku shaandheyn doona Xukuumadda, taasoo loo badinayo in Odawaa uu ka mid noqdo Wasiirada booskooda weynaya.

Puntlandes.com

About The Author