Sawiro: Taliyaha Booliska DFS oo la kulmay dhigiisa dalka Sudan

10 Nov (Puntlandes) Taliyaha ciidanka Booliska DFS Jen, Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa kula kulmay magaalada Khartoum Taliyaha Booliska dalka Sudan, iyagoo ka wada hadlay wada shaqeynta labada dhinac iyo arrimo kale.

Jen, Xaamud ayaa uga warbixiyay dhigiisa Sudan xaalada ciidanka Soomaaliya iyo marxalad ay haatan ku shaqeeyaan, waxaana Taliyuhu bogaadiyay howlaha ciidanka Booliska Sudan u hayaan shacabka.

Taliyaha  ayaa kormeer ku tagay xarunta dambi baarista dalka Sudan, waxaana uu halkaas kula kulmay Mas’uuliyiinta iyo saraakiisha, waxaana halkaas loogu soo bandhigay eeyaha sida gaarka ah u tababaran oo ka koobnaa saddex qeybood oo kala ahaa Qaybta Baarta Qaraxyada, Qaybta Baarta Mukhadiraadka iyo Qaybta soo qabata Dambiilaha

Inta kadib ayuu wafdigu booqday Xarunta Tarafikada ee dalka Sudan, iyagoo warbixino is-weydaarsaday Maamulka Xaruntaas iyo sida ay u shaqeyso Taraafikada dalka sudan.

Wafdiga Taliyaha Booliska ayaa sidoo kale booqanaya xarumo kale oo ay leeyihiin ciidanka Booliska Sudan, iyagoo ka kororsan doona khibradooda, qaabka ay u shaqeeyaan, waxaana la filayaa inay heshiisyo cusub kala saxiixdaan labada dhinac, isla markaana la soo cusbooneysiiyo kuwo horay u dhex maray labada ciidan.

bb (7)bb (6)bb (5)bb (4)bb (3)bb (2)bb (1)

About The Author