Daawo Video: Raysalwasare Sharmarke oo khudbad ka jeediyey shirkii Golaha Amaanka

10 Nov (Puntlandes) Raysal Wasaraha DFS Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa khudbad ka jeediyey shirkii Golaha Amaanka, Shirkaan oo looga hadlayey hormarka Dalka Soomaaliya ee dhinacyada Ammaanka, Dhaqaalaha iyo Siyaasada. Wuxuuna Golaha Amaanka shirkan si gaar ah uga hadlay kaalinta Xafiiska UN-ka ee Soomaaliya iyo taageerida AMISOM oo wakhtiga loo kordhiyey.

151a

Shirkan waxaana goob joog ka ahaa dhammaan Xubnaha dawladaha xubnaha ka ah Golaha Ammaanka. Ergayga UN ka ee Soomaaliya Amb Nicholas Kay oo kulankan khudbad dheer ka jeediyey ayaa ka waramay wax qabadka Xafiiska UN-ka iyo waliba hawlaha ka socda dalka Soomaaliya oo uu sheegay inay heer wanaagsan marayaan, isla markaana dadaal loogu jiro hiigsiga 2016 iyo sidii loo fulin lahaa hawlaha dhiman.

Xafiiska UNSOA  waxaa loo badalay UNSOS

Fadhigan Golaha Amaanka ayaa looga hadlay Xafiiska UNSOA oo ah xafiiska Qaramada Midoobay ee taageerida ciidamada Midowga Afrika (AMISOM). [United Nations Support Office for the African Union Mission to Somalia] xafiiskan oo la sameeyey sanadkii 2009 ayaa wakhtiga loo kordhiyey iyadoo loo bedalay UNSOS xafiiskan oo taageero u fidin doona UNSOM, AMISOM iyo  Ciidamada Soomaaliya.

somalia6

Khudbadii Raysalwasaaraha Soomaaliya

About The Author