Daawo sawirada Qalab caafimaad oo Hay’adda Somali Street Children Association (S.S.C.A) ay gaysay Isbitaalka Bursaalax

10 Nov (Puntlandes)  Hay’adda Somali Street Children Association (S.S.C.A) oo ah Hay’ada ka shaqaysa Caawinta Ummadda Soomaaliyeed ayaa waxay Qalab Caafimaad oo aad u qiimo badan ugu deeqday Isbitaalka Magaalada Bursaalax oo ka tirsan degmada Galdogob ee Gobolka Mudug.

Isbitaalka Magaalada Bursaalax ayaa waxa uu hoos yimaadaa Mashruuca Horumarinta Bulshada Bursaalax, kaasoo wax wayn ka qabtay dhanka Waxbarashada, Biyaha, Beeraha iyo Caafimaadka.

Hay’adda Somali Street Children Association (S.S.C.A) oo fadhigeedu yahay wadanka Denmark ayaa waxay wada shaqayn leeyihiin Hay’adda Danish Refugee Consul ee marka magaceeda la soo gaabiyo la yiraaho (DRC). DRC ayaana dhaqaalaha ku baxay Qalabka Caafimaad bixisay.

Hay’adda DRC oo Gacan ku siisa shaqaysa Hay’adda SSCA ayaa waxay kaloo ka caawisay Isbitaalka Bursaalax Tababarro Shaqaalaha Isbitaalka, iyadoo ilaa hadda siisay 5 tababar.

Hay’adda DRC iyo Hay’adda SSCA ayaa iminka waxay ku hawlan yihiin inay Qalab hor leh ugu deeqaan Isbitaalka Bursaalax kaasoo maraya meel gabogabo ah, Qalabkan oo ah kii labaad oo ay geeyaan Isbitaalka Bursaalax.

Dhanka Soomaaliya khaas ahaan Puntland waxay Hay’adda Somali Street Children Association (S.S.C.A) wada shaqayn leeyihiin Hayada maxaliga ah ee Nado, National Association of Development Organisation. Hay’adda Nado waa Hay’adda u qaabilsan Shaqo fulinta dhanka Soomaaliya iyadoo wakiil ka ah SSCA & DRC, waa Hay’ad hawlkarnimo iiyo Shaqo Hufan lagu yaqaan.

Hay’adda Somali Street Children Association (S.S.C.A) waxaa Gudoomiye u ah Aqoonyahan Awil Abdi Farah oo ah nin aad uga qayb qaata Caawinta Danyarta Soomaaliyeed iyo Horumarinta dalka.

Daawo sawirada Qalabka Caafimaad ee SSCA gaysay Isbitaalka Bursaalax
1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11
Puntlandes.com

About The Author