Daawo Wareysi Gaara Wasiirka Cadaalada iyo Diinta Puntland PLTV Kampala-Abdiladif WaDaNi

10 Nov (Puntlandes) Wariye Abdiladif Wadani oo ka tirsan PLTV ayaa waraysi magaalada Kampala kula yeeshay Wasiirka Cadaalada iyo Diinta Puntland Saalax Xabiib Xaaji Jaamac oo booqday dalka Uganda, isagoo uga warbixiyey Safar shaqo oo uu ku soo maray dalka Kenya kaasoo la xiriiray booqasho Maxaabiista Soomaalida ah ee ku xiran Xabsiyadda dalka Kenya iyo sidii loogu soo wareejin lahaa Puntland.

151ac

Maxaabiista ayaa u Xiran Burcad Badeednimo, waxayna Kenya ogolaatay in loo wareejiyo Puntland Xabsiyadeeda, si ay dadkooda uga ag dhawaadan. Wasiirka ayaa sheegay inuu safarka ku weheliyey Safiirka dalka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya iyo wafuud ka kala yimid Xamar iyo Puntland.

151ad

Wasiirka Saalax ayaa intaas ku daray in madaxweynaha Kenya Saxiixay in Maxaabiista ay isku gudbin karaan labada dal. Maxaabiistaas oo tiradooda uu wasiirku ku sheegay 92 qof.

Dhanka kale Wasiirka Saalax ayaa sheegay inuu la kulmayo Wasiirka Cadaalada Uganda iyo Ardayda Soomaaliyeed ee dalkaasi.

Puntlandes.com

About The Author