(SAWIRO) Madaxwaynaha dowladda Puntland oo daah furey Mashruuc,Xarigana ka jaray Goobo Muhiim.

Madaxwaynaha dowladda Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas waxa uu maanta kaga qayb galay magaaladda Garowe Barnaamij ku taxaluqa Baahinta adeegyadda Wadooyinka Puntland.

Shirka oo ka dhacay xarunta wasaaradda Howlaha Guud iyo Gaadiidka PL waxaa ka qayb galay masuuliyiin ay kamid yihiin Gudoomiyaasha magaalooyinka Garowe,Qardho,Agaasimaha hay’adda Wadooyinka Puntland PHA,Wasiiro uu kamid yahay wasiirka Maaliyadda Puntland iyo marti sharaf kale.

Madaxwaynaha dowladda Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo ka hadlay mashruuca Baahinta wadooyinka PL waxa uu sheegey in dhawaan la bilaabi doono qorshaha Baahinta wadooyinka Laamiga ah ee la gayn doono inta badda dagmooyinka PL.

Gudoomiyaasha magaalooyinka Garowe iyo Qardho ayaa madasha shirkaas ku saxiixey heshiisyo dhigaya hagaajinta wada’da laamiga ah ee isku xirta labadda magaalo,waxaana heshiiskaas ay la saxiixdeen hay’adda wadooyinka PL ee PHA.

Dhanka kale madaxwaynaha dowladda Puntland waxa uu maanta xariga kaga jaray magaaladda Garowe Aaro cusub oo ay dhistay wasaaradda Maaliyadda PL,waxaana sidoo kale madaxwaynuhu uu maanta xariga ka jaray Masaajid Cusub oo laga dhisey xarunta Wasaaradda Howlaha Guud iyo Gaadiidka PL.

1 2 3 4 5 6 7 8 9

About The Author