Akhriso: Wasaradda Warfaafinta Puntland oo shaqadii ka joojisay wariye Jaamac Deperani

11 Nov 2015 (Puntlandes)Qoraal kasoo baxay Wasiirka Wasaradda Warfaafinta Puntland Maxamuud Xasan Soocadde ayaa shaqaddii looga joojiyey wariye Jaamac Yuusuf Jaamac (Deperani) oo ka tirsan Telefeshinka Somalichannel xafiiska Garowe.

151b

Qoraalka ayuusan Wasiirku ku sheegin sababta ka danbaysay shaqo joojinta uu ku sameeyey wariyaha.

151bb

Wariye Jamac Deperani ayaa dhowaan WasiirkaWwarfaafinta waraysi ah ka qaaday, kaasoo uu ku sheegay inuu Khaatumo hoar Qabiil ahaan u taageeray hadana isagoo Wasiirka Warfaafinta Puntland ah inuu Qabiil ku taageeridoono, hoos ka daawo waraysiga uu Wariye Jamac Deperani ka qaaday Wasiirka Wasaradda Warfaafinta Puntland Maxamuud Xasan Soocadde.

Sababta uu Wasiir Soocadde uu shaqada uga joojiyey Wariyaha ayaa loo badinaya waraysigaasi.  Arrintan ayaa ah mid sharci daro aan kana hor imaanaysa Dastuurka Puntland.

Akhriso Qoraalka kasoo baxay Wasiirka

151ba

About The Author