Madaxweynaha Puntland Oo Gudiga U Saaraay Gobalada Ay Saameeyeen Duufaanuhu

11 Nov 2015 (Puntlandes) Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa gudi u magacaabay deegaanadii ay waxyeeladu ka soo gaartay duufaanihii ku dhuftay gobalada Gardafuu,Bari iyo karkaar waxaana gudiga uu magacaabay Madaxweynuhu ay qiimayn ku samayn doonaan sida duufaanuhu waxyeelada uga gaysteen deegaanadaas.

125ea

Gudiga ayaa ka kooban:

1.Wasaaradda arimaha gudaha dowladaha hoose iyo horumarinta reer miyiga.

2.Wasaaradda Caafimaadka

3.Wasaaradda horumarinta haweenka iyo arimaha qoyska

4.Wasaaradda Waxbarashada iyo Taliinta sare

5.Hay,adda HADMA

6.Hay,ada PHA

7.TVga iyo Raadiyaha Dowladda

8. Gudoomiyayaasha Gobalada iyo Degmooyinka duufaantu ku dhufatay.

151bc

About The Author