Madaxweyne Xasan Shiikh oo ku Amray Bangiga Dhexe ee DFS in bil walba la siiya C/kariim 500 kun Doolar

11 Nov 2015 (Puntlandes) Madaxweynaha DFS Xasan Shiikh oo maamul aan Dastuurka waafaqsanayn ku dhoodhoobay Degmada Cadaado, isagoona madax uga dhigay Cabdikariim Xuseen Guuleed oo ay ka wada tirsan yihiin Kooxda Damul Jadiid ayaa wuxuu ku amray Bangiga Dhexe ee DFS in la siiyo Cabdikariim 500 000 doolar bil walba.

128a

Lacagtaan ayaa loogu tala galay hurin Colaad iyo Abuurid Xasilooni daro iyadoo uu maamulo lacagtan Dagaal Ooge Cabdi Qaybdiid oo Cabdikariim la yimid dhawaan Xaafada Baraxleey ee Koonfurta magaalada Gaalkacyo.

DFS ayaan wax lacag ah siin maamulada kale ee dalka ka jira iyadoo lacag aad u fara badan ku bixisay samayntii Maamulka Gobol iyo barka ka kooban ee aan Dastuurka waafaqsanayn.

About The Author