Sawiro: Wasaarada Caafimaadka PL, WHO iyo dhaqaatiirta Galkacyo oo soo saaray go’aamo lagu yaraynayo qatarta cudurka Qaaxada

12 Nov 2015 (Puntlandes) Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo kaashanaysa hay’addo ay kamid yihiin ,WHO, MOH iyo PMA ayaa magaalada Galkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ku qabatay kulan looga hadlayay sidii loo yarayn lahaa qatarta cudura  Qaaxada.

Kulankan ayaa waxaa ka soo qeybgalay dhaqaatiirta Magaalada Galkacyo ka howgasha ,Maamulka Gobolka Mudug iyo Taliska Qeybta Booliska Gobolka Mudug.

Dr. Adnan Ahmed Ciid oo ah maareeye ku xigeenka Mashruuca xakamaynta Qaaxada ee wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegay in kulanka uu yahay mid dood wadaag ah loogana goleyahay sidii laysugu xirilahaa xarumaha gaarka loo leeyahay iyo kuwa Dowlada.

Dr Cabdi Cali Ciise oo hay’adda WHO u qaabilsan cudurka  qaaxada ayaa sheegay halis loogu jiro xanuunka TB, sidaa darteedna laga rabo xarumaha gaarka loo leeyahay iyo farmashiyayaasha in dadka qaba qaaxada aysan dawo u qorin oo ay u diraan xarunta caafiimaadka.

Dood Cilmiyeed dheer oo dhex martay dhaqaatiirta Gobolka ,wasaarada Caafimaadka iyo hay’addihii ka qeybgalay ayaa waxaa laga soo saaray Seddex qodob oo lagu xakameynkaro faafida xanuunka qaaxada.

Dr. Maxamed Xusayn oo ah Agaasimaha Isbitalka Guud ee Magaalada Galkacyo ayaa akhriyay qodokbada ka soo baxay shirka.

1-In milkiilayaasha Xarumaha caafimaadka eegaarka loo leeyahay aysan dalka keeni karin iibina karin daawada TB-da  ama qaaxada.

2-In Dhaqaatiirta Gobolka aysan dawo u qorikarin bukaan qaba TB oo ay u gudbiyaan Xarunta TB.

3-Waxaa lagu hishiiyay in gacan laga wada qaato la dagaalanka Qaaxada si loo yareeyo qatarta ay ku ledahay bulshadeena.

Dhaqaatiir uu ka mid ahaa Dr Maxamed Jamac Salaad oo kulankaasi ku sugnaa ayaa soo dhaweyay go’aamada ka soo baxay kulankooda kuna dardaarmay in la sii dardar galiyo kulmada noocaana.

Taliyaha Ciidanka Birmadka ahna Taliye ku xigeenka qeybta booliska Gobolka ayaa sheegay in ay balan qaadayaan hirgalinta go’aamada ka soo baxay kulankan ayna talaabo ka qaadi doonaan xarumaha ay u soo gudbiso wasaaradda caafimaadka ee ka talaabsata go’aamadan.

Ugu dambayn Gudoomiyaha Gobolka Mudug Axmad Muuse Nuur ayaa Sheegay in ay sharci tahay dhaqangalinta go’aamada ay soo saareen dhaqaatiirta iyo wasaarada caafimaadka cidii fulinwaydana ay la kulmi doonto xarig adag sida taliskabooliska Gobolka lagu amray.

Xigasho:Puntlandi
???????????????????????????????

?????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????
  ???????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????? ??????????????????????????????????????????????????????????????

About The Author