DEG DEG: Dawladda dhexe Sweden oo lacag fara badan ku warejisay Degmoyinka Qaabilay Qaxotiga faraha badan ee dalka so garay sheegtayna..

12 Nov 2015 (Puntlandes)  Dawladda Sweden ayaa lacag aad u faraban u qaybisay Gobolada iyo Degmooyinka ay ku sugan yhiin Qaxootiga faraha badan ee ilaa hadda soo gaaray dalka, lacagtaas ayaa cadadkeedu ka badan yahay 11 bilyan oo u dhiganta 1.25 bilyan doolar.

151cc

Wasiirka Maaliyadda ee Dalka Sweden Magdalena Andersson oo shir jaraa’id qabatay maanta maray shaacinaysay lacagtan ayaa sheegtay inaysan dawladda Sweden aysan awoodin  aysana qaadi karin qaxootiga xad dhaafka ah ee kusoo qul qulaya Sweden.

Wasiirka ayaa intaas ku dartay inaysan dawladdu u hayn Guryo ay dejiso Qaxootiga kusoo qul qulaya dalka Sweden, uuna dalku ku sugan yahay iminka xaalad uusan ku ag´dag inuu xakameeyo.

2dii bilood ee u dambaysay waxaa dalka Sweden Qaxootinomo ka dalbatay Qaxooti 80 000 taasoo ka badan isu gayn sanadkii hore.

Dawladda Sweden ayaa maanta, 12ka Nov 2015, waxay go’aansatay inay soo celiso in la Baaro dadka soo galaya dalka Sweden, iyadoo ka bilaabatay baaritaankaas 12 kii duhurnimo maanta.

Baaritaanku waxaa uu saamaynayaa dadka wadanka kasoo galaya Buundada Sweden iyo Dermark isku xirta iyo Doonyaha dadka soo qaada Dermark iyo Germany.

Halkan ka akhri Qoraal ay warbaahinta Puntlandes ka qortay arintan

About The Author