Daawo Deperani Show: Waraysi Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya Cabdiqani Carab

14 Nov 2015 (Puntlandes) Daawo Deperani Show ayaa lagu waraystay Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya Cabdiqani Carab, waraysigaas oo taaabanayo arrimo badan oo Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ku saabsan.

153a

Waxyaalaihii uu Wariye Jaamac Deperani waydiiyey Guddoomiye Cabdiqani waxaa ka mida Heshiiskii dhex maray Puntland iyo Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya, waxaa kaloo wax laga waydiinayaa Cabashada ka imaanaysa dhanka Puntland.

Guddoomiye Cabdiqani ayaa sheegay inay qalad ahayd in shaqo walba ay Muqdisho ka socoto ayna ku hawlan yihiin inay Qaladkaas saxaan. Guddoomiye Cabdiqani ayaa dhanka kale maruu ka hadlayey Heshiis dhexmaray Puntland iyo Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya waxa uu sheegay inay ku heshiiyeen:

  • In Horyaal Kubadda Cagta ah oo u gaar ah Puntland loo bilaabo oo sanad kasta la qabto oo Xiriirkana ku jira
  • In Kooxaha tayadda leh ee ka jira Puntland laga diiwaan geliyo Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya

 

Guddoomiye Cabdiqani ayaa yiri “waxaan aan maamulayno Soomaali ayaa leh waxaan goosanay inaan dhigno meel cad Cid kastanaay ka faa’iidaysan karto, waxaan ka shaqaynayno sir maaha Cidna gaar umma laha Muqdishana gaar umma lahan”

About The Author