Dhageyso: Gudoomiyaha G. Nugaal oo mamnuucay in Garowe lagu qabto shirar uusan maamulku ogayn oo saabsna Hiigsiga 2016

14 2015 (Puntlandes) Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Farawayne oo maanta Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Gobolka Nugaal aan lagu qaban karin shirar looga hadlayo hiigsiga 2016 ee aan dowladdu ogayn.

153aa

Gudoomiye Farawayne ayaa ku wargaliyay mas’uuliyiinta Hotelada ku yaala magaalada Garowe inaan lagu qaban karin Hoteladooda shirar ku saabsan arrimo siyaasadeed, isagoo sheegay in Hotelkii aan fulin amarka dowladda laga qaadi doono tilaabo sharci ah.

Gudoomiye Faraweyne ayaa ka digay inay jiraan kooxo lacago lagu soo siiyay inay shirar dhuumasho ah ku qabtaan magaalooyinka Puntland, waxaana uu sheegay dadkaasi inay xambaarsan yihiin fikirka nidaamka 4.5 oo ay Puntland horey ugasoo jeesatay.

Faraweyne ayaa dhanka kale sheegay inay dowladda Puntland mas’uul ka tahay wixiii ku saabsan shirarka la xiriira arrimaha siyaasada Soomaaliya iyo doorashooyinka 2016, mana jiraan ayuu sheegay cid kale oo arrintaan wakiil ah oo ku sugan Puntland gudaheeda.

Dhageyso gudoomiye Faraweyne


Puntlandes.com

About The Author