Daawo Video: 13 Dhaqtar oo ka hawl gala Gaalkacyo oo Bacaadwayn u tagay inay Kiciyaan Isbitaalka oo xiran

14 2015 (Puntlandes) Waxaa maantay gaaray magaalada Bacaadwayn, oo ka tirsan magaalada Gaalkayyo una jirta masaafo ka badan 60km, 13 Dhaqtar oo ka hawlgala Gaalkacy.

Dhakhaatiirtan ayaa waxaa hogaaminayey Agaasimaha guud ee Isbitaalka Gaalkacyo DR Maxamed Xuseen Aadan waxay u booqdeen Isbitaalka Bacaadwayn oo aan shaqayn dadka Degaankuna ay baahi aad wayn u qabaan.

153ad

Agaasimaha guud ee Isbitaalka Gaalkacyo DR Maxamed Xuseen Aadan ayaa ku dhawaaqay inay ku hawl gelin doonaan Isbitaalka muddo 90cisho gudahood ah isagoo ka codsaday dadka Degaanka iyo dhamaan reer Mudug gudaha iyo Dibaddaba inay ka qayb qaataan sidii Isbitaalkan ku hawl geli lahaa.

Dhanka kale Takhaatiirtan ayaa Wasaaradda Caafimaadka Puntland ugu baaqay inay taakulayn ka gaysato sidii Isbitaalkan loo hawl gelin lahaa iyadoo ay ku nool yihiin magaalada Bacaadwayn iyo agagaarkeeda dad gaaraya 40 000 ayna haysato baahi wayn oo Caafimaad.

Puntlandes

About The Author