Dhegeyso: Maleeshiyo Beeleed maanta weerartay xaruntii howlaha guud ee Gaalkacyo

14 2015 (Puntlandes) Malayshiyo Beeleed ayaa maanta soo weerartay Xaruntii Hawlaha guud ee Gaalkacyo ee dhawaan dawladdu la wareegtay, iyadoo khasaaraha ka dhasghay weerarkaas uu yahay 2 qof oo dhimtay iyo 11 kale oo ku dhaawacmay.

153ac

Maleeshiyada saaka weerar ka soo qaaday ayaa waxaa soo diray nin sheeganaya inuu isagu lee yahay xarunta dowladdu la wareegtay.

Xarunta ayaa ka mid ahayd xarumihii howlaha guud iyo gaadiidka dowladdii Soomaaliya, waxaana muddo dheer gacanta ku hayey ninka hadda sheeganaya inuu isagu xarunta lee yahay.

Taliyaha Ciidanka birmadka gobolka Mudug Cabdirashiid Xasan Xaashi Gabigabi oo saxaafada la hdlay ayaa sheegay in saakay weerarka ay soo qaadeen rag hubaysan uuna ka dhashay khasaaro kala duwan oo soo kala gaaray ciidankii ilaalinayey goob horey ay dowladda puntland ula wareegtay oo gareesh ahaan jirtay iyo ragii weerarka soo qaaday .

Gabigabi ayaa sheegay in haatan ay gacanta ku hayaan dhulka ciidanka dowladda puntland ee halkaas horey u joogay waxaana uu intaas ku daray inaysan ka hari doonin maleeshiyaadka weerarka soo qaaday ilaa ay ka soo qabtaan.

Agaasimaha guud ee Isbitaalka Gaalkacyo Maxamed Xuseen Aadan ayaa sheegay in la soo gaarsiiyey Isbitaalka 2 dhimasho ah iyo 11 qof oo dhaawac ah, iyadoo uu intaas ku daray in 3 ka mida Dhaawaca uu dhaawacoodu halis yahay.

Puntlandes.com

About The Author