Maqaal-Soomaaliya: Dulmi Gargaarku, dullinimo buu kuu keenaa

Usbuucii lasoo dhaafay waxaa Somaalidu aad u hadal haysey derbi la sheegay in ay Kenya ka dhisayso Beled Xaawo. Taas oo qiiro ka dhex abuurtay shacabka intiisa badan. Waxaa la arkayey abwaano, Saraakiil ciidan, Saxafiyiin, Fannaaniin intuba Tolla´ayeey ku haya oo ilmada qubaya. hooska daawo.

Waxaan isweydiiyey, Ilmada qubanaysaa ma dhab iyo damqashaa, misse waa is yeelyeel iyo halagaa sheego?

Waxaa iisoo baxday. In aysan ahayn mid qalbiga jirta ee ay tahay uun kusooboodo iyo ficil celin ka dhalatay xaaladda deribiga kuna kooban maalintaas kaliya.  Hadda ogow in xaalku caadi iska noqonayo wixii markaas ka danbeeya. Arrintu halkaas ku ekaan maysee waxaa hadana la arkidoonaa in berrina qolo kale meel kale qaadato. Hadana ilmadaa quban doonta, ilaa Soomaaliya, lawaayo, arrini waa sidaas.

Aduunka waxaa ugu xun bulsho marka horena doorasho xun, oo qofka ay talada u dhiibanayaan uu yahay kan dadka ugu liita. Kuwaas oo misana ku taageera maamul xumida, boobka hantida dadweynaha, gumaysi kalkaalka iyo waliba damiir la´aanta.

Waxaa iisoo baxday in aynu innagu, Soomaali hadaynu nahan, aan dadka ugu xunnahay.  Maah maah baa waxay ahayd “Hashu iyadaa Geela cunaysa iyadaana cabaadaysa”

Marka aad eegto hab dhaqanka hogaanka Soomaalida ee 25 sano ee lasoo dhaafay, iyo taageerada sida hagar la´aanta ah ay shacabka uga helayeen, waxaad isweydiin su aasha ah, ma anaa waalan misse Cadan baa laga heesayaa?.

Oo haddaad tuug qarisay, oo u ceeb qarisay oo aad dabooshay xumaha uu sameeyey. Oo haddaad dhiigyacab ku taageedhay dad masaakiin ah oo uu laayey, adigoo waliba siiyey darajo, illaah dad gooni ah ugu talagalay, darajadaas oo ah MUJAAHID!. Oo hadaad taageedhay musuqmaasuq. Oo hadaad taageedhay jabin wax kasta oo ay ummaddu ku heshiisey, sida Dastuur iyo wax kasta oo Soomaali la isugu soo dhaweynayey.

Ma waxaad sugeyseen in ay wax idiin hagaagaan?

Sow taasi lamid ma´aha, adigoo inta xabad Galleey ah beer ku ritey, sugaya in uu geed Cambe ah kaaga soo baxo.

Sowtey Soomaalidu hore ugu maah maahday “Gaajo guri og iyo Gardarro garab og midna looma maaro helo”.

Nimankaan aynu waxaas  oo xume ah, ku taageernay miyaa laga sugiyaa in ay Boohinta ina ka tiraan?

153b

Aniga waxaa talo iga ah, in  inta ilmada aynu ceshano, haday dhab inaga  ahayd. Aynu, innagu dib isu eegno, oo dib isu xisaabino. Oo  kala laabano taageerada kuwa xun, middaas bedelkeedana u hiilino xaqqa oo aan samir muujino. Markaas baan dhulkeena cadawga ka dhacsan karnaa, oo  dad jira oo xor ah ahaan karnaa.  Laakiin waxaad ogaataan, inta illin beenaale la shubayo, hoostana dulmiga laga taageerayo, wallee dulli Soomaaliyi ka bixi mayso. Oo ogaada in aynu weli doorasho leenahay. Waxaan ka baqayaa in aan gaarno xilli aynaan inagu wax doorasho ah aynaan lahayn, oo sheekadu noqoto “ markaan tabar hayeyna talo ma hayn, hadoo aan talo hayana tabar ma hayo.

 

W/Q Maxamed Saliid

Puntlandes.com

 

About The Author