DEG DEG: Afar ruux oo ku dhimatay Gaalkacyo kadib kala shaki

14 Nov 2015  (Puntlandes) War naga soo gaaray magalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Ciidan Isbitaalka Guud ee Gaalkacyo waardiye ka ahaa ay xabadeeyeen gaari nin dhaawac ah waday oo ku wajahnaa Issbitaalka magalada Gaalkacyo.

Ciidanka ilaalinayey Isbitaalka ayaa waardiyeynayey Ciidamadii kusoo dhaawacmay Maleeshiyo Beeleedkii maanata weeray Xerada Gaadiidka oo ay dawladu la wareegtay, kasoo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Ciidanka ilaalada ahaa ayaa Rasaas ku furay gaarigan dhaawaca Isbiltaalka u waday iyadoo sababtay dhimasho 4 ruux, waxaana falkaasi dhacay kadib markii gaariga dhaawaca waday uu xawli ku soo galay cusbitalka

Nimanka askartu ka shakiday aya waday nin kusoo dhaawacmay kaamka Halabookhad ee Magaalada Gaalkacyo ee xarunt Gobolka Mudug

About The Author