Daawo Barnaamijka Daldhis: Abdi Warsame ”Shacabka Soomaaliyeed waa inay awooda dalka la wareegaan”

Abdi Warsame, Dec. 2014

15 Nov 2015 (Puntlandes) Barnaamijka Daldhis oo uu daadihiyo Abuukar Cawaalw ayaa waxaa marti ku ahaa 13kii Nov 2015 Abdi Warsame oo ah Guddoomiyaha Degmada 6aad ee magaalada Minneapolis, isla markaasna ka tirsan Gollaha Degaanka ee magaalada Minneapolis.

Degmada 6aad ayaa dadka kunool 40% waxay kasoo jeedaan Bariga Afrika, halka 60% ee soo harana uu yahay Cadaan iyo dadka kale.

Abdi Warsame wuxuu dhashay 1977, wuxuuna ku barbaaray waxna ku bartay magaalada London ee dalka UK isagoo ka guuray London 2006 una guuray magaalada Minneapolis ee USA.

Abdi Warsame waxaa loo doortay Xubin Gollaha Degaanka ee magaalada Minneapolis iyo Guddoomiyaha Degmada 6aad ee magaalada Minneapolis 5tii nov 2013, isagoo 7 sano oo kaliya ku noolaa USA. Khudbadii uu ka jeediyey habeenkii ay Guushu raacday ayuu wuxuu Abdi Warsame ku yiri ”waxay tani Fariin u tahay Guuldaradii 21kii sano na haysatay, haddii Maskaxdeena aynu isticmaalo Illaahna talo saarano in meel kasta aynu gaari karno”

Abdi Warsame, Dec. 2014Abdi Warsame waxa uu Barnaamijka Daldhis uga hadlay arrimo aad iyo aad muhiim u ah Qusaysana Masiirka ummadda Soomaaliyeed, sidii dib loogu soo celin lahaa dawladnimadii, Sharaftii iyo Karaamadii ay ummadda Soomaaliyeed lahayd taasoo uu ku sheegay Abdi Warsame inay u baahan tahay inay u Guntadaan Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudihiisa iyagoo caawiwaad ka helaya Soomaalida Qurbaha ku nool.

Abdi Warsame ayaa maruu ka hadlayey xaalada ay Soomaaliya ku sugan tahay waxaa uu ku bilaabaya sidatan isagoo Soomaaliyada Xusuusinaya inay Runtu wax dhisto, wuxuuna yiri ”Waa in aynu Riwaayada iska daynaa oo dadka runta loo sheegaa, waxaynu ka nimid dal BURBURAY, dal la dayacay, la baabi’iyey oo dagaal ahli ah soo maray.

Abdi Warsame oo la hadlaya Soomaalida Qurbaha ayaa sheegay in markay wax ku noqdaan Qurbaha ay wax tari karaan Soomaaliya, laakiin qof waqtigiisa oo dhan uu uga lumo ka doodida Soomaaliya waxa ka dhacaya nafsadiisana dayacay meesha uu joogana aan waxba ka ahayn ”muxuu Soomaaliya u qaban karaa?” ayuu is waydiiyey Abdi Warsame.

Abdi Warsame oo is barbar dhigaya Soomalidii hore iyo kuwan ayaa yiri ”Soomalidu waxay ahayd dad karti badan, awoowayaasheen dal dhan bay Xoraysteen oo magacooda u baxsadeen. Laakiin soomaalidu way lumeen Aduunkii bay la qabsan waayeen, meeshay wax baran lahaayeen oo Aduunka la jaan qaadi lahaayeen ayey Ciidan Dhisid iyo Taangi aysan waxba ka aqoon galeen”

Abdi Warsame oo tilmaamaya cidda Bambiga leh ayaa yiri ”Dembiga anaga oo dhan baa leh, inagoo dhan waxaan noqonay Qaxooti, Runtii maanta waxaynu nahay dadka Aduunka ugu liita, waxaynu nahay dalka ugu Musuqmaasuqa badan aduunka, Madaxdeenu waxaa loo arkaa dad aan waxba qaban karin oo lacag uruursanaya oo Boorsooyinka buuxsanaya oo TUUGO ah oo dantooda aan aqoon”

Abdi Warsame ayaa xalku soomaalidu meeshuu ku jiro farta ku fiiqay wuxuuna tilmaamay inay Xaaladaas bedeli karaan dadka USA , Yurub.. oo u hiiliya dadkooda Soomaaliya jooga.

Waxa uuna yiri Abdi Warsame maruu ka hadlayey Hiilka ay u baahan yihiin dadka gudaha Soomaaliya jooga ”dadka Soomaaliya jooga uguma hiilinaysid inaad adoo TAXIDRIVER ah intaad tagto Soomaaliya aad ka noqoto Wasiirka Difaaca, Ugumana hiilinaysid intaad lacag yar lasoo carartay Xeebta Liido ka furto meel yar oo Foorno ah oo cunto lagu cuno, waxaad ugu hiilinaysaa in wadamada aynu joogno aynu ku niraahno Soomaalidu Doorasho  ruux walba Codkiisa dhiibto qofkuu doonana uu Doorto ayey u baahan tahay, waxaana u rabnaa Soomaalida Guddaha inay helaan Xuquuqda aanu halkan wax ku Dooran karno”

Barnaamijka oo aad u dheeraa ayaan waxaanu jeclaysanay inaay hadaladii Abdi Warsame kusoo gabagabyno maruu ka hadlayey xalka sida uu u arko, waxa uu sheegay inay Soomaaliya joogaan Dad fara badan oo karti iyo aqoonba u leh inay dalkooda ku hogaamiyaan wadada saxda ah laakiin dadkaasi wali ma helin Fursad waana in Shacabku u istaagaan siday awooda dalkooda iyagu ula soo wareegi lahaayeen. Wuxuuna Abdi Warsame ayaa yiri maruu ka hadlayey xaalka ay shacabka soomaaliyeed iminka ku sugan yihiin ”dadka Soomaaliyeed waxay noqdeen dad filim musasal ah daawanaya oo Atoorayaasha loo kala bedbedelo maalin walba”

Daawo Barnaamijka Daldhis oo dhamaystiran

Puntlandes.com

 

 

About The Author