Sawiro: Ururada Haweenka Puntland Oo Ka Shiray Qoodadooda Doorashada 2016

15 Nov 2015 (Puntlandes)  Ururada haweenka puntland ayaa maanta Magaalada Garoowe ku yeeshay kulan ay uga hadlayeen doorka ay haweenka Puntland ku yeelanayaan doorashooyinka 2016-ka lagu wado inay ka dhacaan soomaaliya.

kulanka oo ahaa kulan heer gobalka iyo heer degmo ah ayaa waxaa soo qaban qaabisay Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arimaha Qoyska Puntland waxaana ka soo qayb-galay Wasiirka Haweenka Puntland Aniso Cabdulqaadir Xaajin Muumin,xildhibaano iyo haweenka Puntland oo kala yimid Gobalada Puntland.

kulankan oo ahaa dood wadaag ayaa waxaa ay haweenku ka soo saareen talo soo jeedin ka kooban 10-qodob oo ah.

1.In koondadii dumarku lahaayeen dastuurka dalka lagu daro laguna cadeeyo 30% ah.

2.In nidaamka doorashada uu noqdo mid ku salaysan degmooyin.

3.In Bulshada,Dowladda,Culimada,Urarada rayidka ah iyo hay,adaha caalamiga ah ay ka qayb-qaataan habkii loogu taageeri lahaa haweenka hankooda siyaasadeed.

4.In wasaaradda haweenka iyo cadaalada ay hubiyaan in la fuliyey ama ay heleen qayb-tii haweenku lahaayeen.

5.Waa in la mideeyo ladaddaha u ololeeya Haweenka iyo ka qayb-qaadashada siyaasada.

6.In warbaahinta dowladu ay u samayso haweenka Barnaamijyo joogto ah oo lagu xoojanayo codkooda.

7.In odayaasha dhaqanka lagu wacyi-galiyo taageeridda haweenka ka qayb-qaadanaya Siyaasada.

8.In haweenka bartaan shareecada Islaamka iyo qawaaniinta si ay u fahmaan waxa waajibka ku ah.

9.In dhamaan bulshada lagu wacti-galiyo in kaweenka aanay xuduud qabiil lahayn cid kastana ay matali karaan.

10.In la kordhiyo wakhtiga iyo tayada tababarada gabdhaha iyo haweenka loo fidiyo si ay uga faa,iidaystaan ka qayb-qaadashada Siyaasada.

IMG_1386 IMG_1385 IMG_1382 IMG_1379 IMG_1367 IMG_1361 IMG_1357 IMG_1344 IMG_1347 IMG_1349 IMG_1350 IMG_1352 IMG_1356 IMG_1343 IMG_1341 IMG_1339 IMG_1337 IMG_1336 IMG_1335 IMG_1333 IMG_1307 IMG_1309 IMG_1314 IMG_1316 IMG_1328 IMG_1330 IMG_1332 IMG_1288 IMG_1290 IMG_1294 IMG_1298 IMG_1301 IMG_1303 IMG_1305 IMG_1287 IMG_1286 IMG_1285 IMG_1284 IMG_1282 IMG_1279 IMG_1256 IMG_1258 IMG_1260 IMG_1268 IMG_1270 IMG_1271 IMG_1273 IMG_1252 IMG_1248 IMG_1239 IMG_1232 IMG_1230 IMG_1224 IMG_1223 IMG_1213 IMG_1216 IMG_1217

About The Author