Wasiirka Arimaha Gudaha Dowladda Faderalka oo Puntland u bogey.

Wasiirka Arimaha Gudaha dowladda Faderalka ee Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odaywaa waxa uu gudoominayey wafdi ka socda dowladda Faderalka ee Soomaaliya kuwaas oo magaaladda Garowe u yimaadey sidii ay u qiimayn lahaayeen Aragti aruurin dowladda Puntland ay ka samaynayso shacabka Puntland aragtidaas oo ku aadan siida shacabku u rabo in ay u dhacdo Doorashadda Soomaaliya ee 2016.

Wasiirka iyo Wafdigiisa ayaa maalintii shalay ka soo dagay magaaladda Garowe,waxaa ay ka soo raaceen garoonka Diyaaraha ee Garowe gaari nooca raaxada ah iyadoo aysan jirin wax ciidan ah oo soo galbiyey ama iyaga si gooni ah u ilaalinayey marka laga reebo xubno kamid ah wasiiradda Puntland dhowr Askari watey.

Wafdiga Muqdisho ka yimid waxa la dajiyey mid kamid ah Hoteeladda caanka ah ee Garowe sidda wasiirku sheegey ilaa xalay waxaa isaga wafdigii la socdey ay Damaashaad ah ugu dhex lugaynayeen Carwooyinka iyo goobaha lagu caweeyo ee magaaladda Garowe.

Wasiirka Arimaha Gudaha ee Soomaaliya Odaywaa ayaa sheegey in uu aad ugu faraxsan yahay in meel kamid ah Soomaaliya ay siddan u amaan baddan tahay,waxaa kale oo u sheegey in uusan waligii filayn in maankan ay leedahay Garowe isagoo mar uu ku sugnaa xarunta Baarlamaanka Puntland uu si kaftan leh u sheegey in uuba jeclaan lahaa in uu halkaan iska jooga.

Waxaa si dareen leh uga waramay dhibaatadda masuuliyiinta ku haysta magaaladda Muqdisho oo ku tilmaamay meel aad mar walba naftaada u wal’walaysid.

Waxaa xusid mudan in wasiirku uu sheegey in loo baahan yahay Dowladda Soomaaliya ay xaq dhowrto rabitaanka shacab waynaha Puntland.

About The Author