Daawo Warbixin uu dagaalkii maanta ee Gaalkacyo ka diyaariyey TV ga SBC

22 Nov 2015 (Puntlandes) TV ga SBC ayaa Warbin ka diyaariyey dagaalkii maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo, kaasoo ay soo qaadeen Malayshiyada maamulka aan dastuurka waafaqsananayn ee ay DFS taageerto ee Galmudug.

Malayshiyada maamulka Galmudug ayaa waxay maanta Shacab u badan caruur iyo haween waxay ky xasuuqeen Madaafiicda waawayn ee ay ka midka yihiin Hoobiyayaashu.

158a2

Dadkii shacabka ahaa ee uu khasaaruhu kasoo gaaray Madaafiicda ay Malayshiyada maamulka Galmudug ku garaaceen ayaa waxaa ka mida sida add Videowga hoose ka daawan kartaan Hooyo afar caruur ah oo ay dhashay oo Madfac ku habsaday Gurigoodii, kuwaasoo uu soo gaaray dhaawac culus.

Waxaa Xusid mudan in Ciidamadii Mushahaarka u qaadanayey Canshuurta ummadda reer Gaalkacyood laga qaado inaysan shacabka ka difaacin Malayshiyada maamulka Galmudug ee Hubka Culus u is ticmaalay maanta.

Maqaal dheer oo faahfaahin ah iyo sidii wax u dhaceen kala soco Warbaahinta Puntlandes oo RUNTA & XAQIIQADA aan ka qarin akhristayaasheeda.

Puntlandes.com

About The Author