Video-Sawiro: Madaxweyne Gaas oo lagu soo dhoweeyey Magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar

05 Jan 2016 (Puntlandes) Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi ballaadhan oo uu hoggaaminayey  ayaa maanta  lagu soo dhoweeyey  magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar.

Wafdiga  Madaxweynha ayaa waxaa kamid ahaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi, Wasiiro, XIldhibaano iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada dawladda Puntland.

Wetiga Madaxweynaha aya intii ay jidka kusoo jireen  waxaa ay kusoo hakadeen tuulada Shire halkaas oo si balaadhan loogu soo dhaweeyey, isla mar ahaantaana Madaxweynuhu dadkii soo dhaweeyey uu mid mid u gacan qaaday.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa intaasi kadib soo gaadhey Degmada Qardho ,halkaasi  oo ay kusoo dhoweeyeen boqollaal dadweyne ah kuwaas oo si aan kala har lahayn ugu soo baxay soo dhoweynta Madaxweynaha.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa markuu soo gaadhey magaalada  Qardho meel fagaare ah kula hadlay dadweynaha Magaalada kuwaas oo ilaa shalay diyaar garoow ugu jirey  sidii ay u soo dhoweyn lahaayeen Madaxweynaha iyo Wafdigiisa, islamarhaantaana uga mahadceliyey sida qiimaha leh ee ay usoo dhoweeyeen.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa  intaasi kadib dhagax dhigay Xarunta Guriga Gobolka Karkaar isagoona Xarigga ka jaray Dhismaha Madaxtooyo Cusub ee magaalada Qardho, taas oo Dawladda Puntlan ka hirgelisey Magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar.

Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Qubuuraha magaalada Qardho kaga qayb galay Aas Qaran oo loo sameeyey mid kaid ah Saraakiisha Ciidamada Dawladda Puntland oo ku nafwaayey hawl-gal uu kawadey Gobolka Karkaar iyo laba qof oo shacab ah oo dabley hubaysani kudileen Deegaanka Qayaad-same ee Gobolka karkaar.

Madaxweynaha ayaa ilaahay uga baryey saddexda marxuun in uu u naxariiso qabrigana u waasiciyo dhammaan shacabka Puntland-na uu samir iyo iimaan ka siiyo, gaar ahaa sarkaalka naftiisa kuwaayey isagoo qaranka u shaqaynaya.

IMG_2198IMG_2241IMG_2250IMG_2255IMG_2256IMG_2257IMG_2276IMG_2282IMG_2287IMG_2288IMG_2292IMG_2299IMG_2306IMG_2313IMG_2319IMG_2320IMG_2329IMG_2335IMG_2337IMG_2340IMG_2342IMG_2346IMG_2347IMG_2348IMG_2364IMG_2375IMG_2376IMG_2383IMG_2401IMG_2411IMG_2415IMG_2421IMG_2429IMG_2431IMG_2447IMG_2452IMG_2455IMG_2456IMG_2459IMG_2460IMG_2468IMG_2476IMG_2483IMG_2496IMG_2497IMG_2501IMG_2510IMG_2513IMG_2526IMG_2527IMG_2539IMG_2553IMG_2563IMG_2577IMG_2581IMG_2584IMG_2592IMG_2598IMG_2602IMG_2604IMG_2611IMG_2618IMG_2625IMG_2633IMG_2638IMG_2640IMG_2648IMG_2654IMG_2657IMG_2659IMG_2660IMG_2672IMG_2674IMG_2676IMG_2682IMG_2698IMG_2707IMG_2710IMG_2724IMG_2733IMG_2734IMG_2738IMG_2777IMG_2792IMG_2800

About The Author