Yaa ka soo qayb galaya Munaasadda lagu Furayo Garoonka Diyaaradaha Bosaso?

06 Jan 2016 (Puntlandes) Maalinta Jimcada ah ee ay bishan janaayo tahay 8da ayaa lagu wadaa in si rasmi ah loo Furo Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Bosaso, kaas oo dhismihiisa lasoo gabagabeeyey.

185a

Madaxda kasoo qaybgalaysa Furtaanka Garoonka ayaa ah sida ay ogaatay Warbaahinta Puntlandes:

Soomaalida

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud oo Furi doona Garoonka

Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaan

Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed

Wasiiro ka tirsan DFS

Madaxweynihii hore ee Puntland Dr. Cabdiraxmaan Faroole

Raysalwasaarihii hore Soomaaliya Cali Maxamed Geedi

Raysalwasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdiweli Shiikh Axmed

Isimamo

Siyaasiyiin iyo marti sharaf kale.

Ajanabiga

Wakiilo ka socda Shirkadii Dhistay Garoonka

Wakiilo ka socda dawladda Talyaaniga

Wakiilo ka socda Beesha Caalamka

Wakiilo ka socda  Shirkado gaar loo leeyahay

Magaalada Bosaso ayaa iminka waxay la ciirciiraysaa madax iyo Marti sharaf badan oo u yimid ka qayb galka Munaasabada taariikhiga ah ee lagu furayoi Garoonka Diyaaradaha ee Bosaso, iyadoo la filayo inay maamilka berri ah soo gaaraan magaalada madax hor leh oo u imaanaya ka qaybgalka munaasabadaas.

Puntlandes.com

About The Author