WAR DEG DEG: Gudoomiyaha Baarlamanka DFS oo Dhuusamareeb ka degey

07 Jan 2016 (Puntlandes) Wefdig ballaaran oo uu hogaaminayo guddoomiyaha Baarlamaanka DFS Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) uuna kamid yahay guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka DFD ayaa goor dhoweyd waxaa ay ka degeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

185a2

Jawaari ayaa wefdigiisa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay maamulka Ahlusuna ee gacanta ku haya magaaladaasi iyo qeybaha bulshada ee halkaasi ku dhaqan.

Socdaalka guddoomiyaha Baarlamaanka uu maanta ku tagay Dhuusamareeb ayaa la xiriira xal u raadinta khilaafka ka dhaxeeya Ahlusuna iyo maamulka Cadaado.

Guddoomiyaha golaha shacabka, ayaa wafdigiisa waxaa ka mid ah Xildhibaano gaarsya 25 mudane oo ka tirsan Baarlamaanka DFS.

Wixii warar ah ee kusoo kordha safarka Jawaari kala soco Warbaahinta Puntlandes.

About The Author