Sawiro: Madaxda Dawladda Puntland oo kusoo dhoweeyey Boosaaso Madaxweynaha DFS

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ay weheliyaan Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Axmed Cali Xaashi ayaa galabta 07-Jan-2016 waxay Garoonka Caalamiga ah ee Diyaaradaha  ee Boosaaso kusoo dhoweeyeen Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafti Ballaadhan oo uu hoggaaminayo.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa salaan sharaf waxay ka qaateen Cutubyo katirsan ciidanka Police-ka Puntland, iyadoo intaasi kadib ay si wada jir ah shir jaraa’id ugu qabteen Qaybta Nasashada Garoonka ee VIP-da.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa uga Mahadceliyey Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya safarka uu ku yimi magaalada Boosaaso  ee xarunta gobolka Bari isagoona intaasi raaciyey in socdaalka Madaxweynuhu ku qotomo kaqaybgalka furitaanka Garoonka Caalamiga ah ee Boosaaso kaas oo maalinta berrito ah xadhigga laga jari doono.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale sheegay in madaxweynaha Dawladda Federaalka ahi uu Boosaaso sii joogi doono dhowr maalmood oo dambe isla markaasna uu kaqayb geli doono xafladda Sannad-guuradii labaad ee kasoo wareegtey xilligii uu talada Puntlad lawareegey Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Xukuumaddiisu.

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahaceliyey Madaxweynaha Dawladda Puntland, Golayaasha Dawladdiisa iyo Shacabka Puntand ee sida  weyn ugu soo dhoweeyey  magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale tilmaamay inuu ku faraxsanyahay imaatinkisa magaalada Boosaaso isagoona xusay in uu sii joogi doono muddo dhowr maalmood ah, waxa uu sidoo kale xusay Puntland inay ay marayso xilligii horumarka taasina ay tahay mid soomaali oo dhan guul u ah.

IMG_5182IMG_5186IMG_5188IMG_5192IMG_5200IMG_5207IMG_5214IMG_5216IMG_5221IMG_5231IMG_5236IMG_5243IMG_5245IMG_5255IMG_5267IMG_5278IMG_5284IMG_5288IMG_5291IMG_5299IMG_5332IMG_5379IMG_5383IMG_5386IMG_5388IMG_5391IMG_5415IMG_5419IMG_5422IMG_5428IMG_5430IMG_5436IMG_5439IMG_5450IMG_5455IMG_5463IMG_5473IMG_5483IMG_5486IMG_5494IMG_5497IMG_5502IMG_5503IMG_5505IMG_5507IMG_5509IMG_5516IMG_5542IMG_5595IMG_5606IMG_5623IMG_5641

About The Author