Dhagayso: Madaxweyne Gaas ’’Puntland kaliya maaha waxa doonayaa in laga guuro 4.5 loona guuro Deegaan’’

09 Jan 2016 (Puntlandes) Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, oo Khudbad ka jeediyey Munaasabad ballaaran oo lagu xusayey sanadguuradii 2aad ee kasoo wareegtay markii la doortay, ayaa sheegay in shacabka in reer Puntland ay rabitaankooda tahay in Deegaan wax lagu qaybsado loo guuro, lagana guuro Habka Qabaliga ah ee 4.5.
185d4

Madaxweyne Gaas ayaa yiri  ”Puntland iyadaa hadashay, rabitaan Cabdiweli ma aha in laga guuro Nidaamka 4.5 ee loo guuro deegaan waa rabitaanka shacabka Puntland”

Gaas ayaa hadlka kusii daray inaysan Puntland kaliya ahayn waxa doonayaa in laga guuro 4.5 loona guuro Deegaan ee dad badan oo Soomaaliyeed ay la qabaan, wuxuu kaloo Gaas intaas kusii daray inay jiraan dad kale oo Soomaaliyeed oo diidan in laga guuro 4.5 loona guuro Deegaan, isagoo sheegay inay ku qancin doonaan dadkaas Soomaaliyeed inay la qaataan Deegaan

Dhagayso Gaas


Puntlandes.com

About The Author