Daawo Video: Khudbadii Madaxweyne Gaas ka jeediyey Xafladii Xuska sanadguuradii 2aad ee markii la Doortay

09 Jan 2016 (Puntlandes) Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xalay  ka jeediyey Khudbad aad iyo aad u qiimo badnayd Xafladii Xuska sanadguuradii 2aad ee markii la Doortay madaxweyne Gaas.
185d4

Madaxweyne Gaas ayaa ku dheeraday Xumaanta uu huwan yahay Habka Qabaliga ah ee 4.5 oo Soomaalidu wax ku qaybsan jirtay laakiin 2012kii Garowe lagu saxiixay in aan dib dambe loo qaadan karin waxna lagu qaybsan doono Degaan.

Madaxweyne Gaas waxa uu si cad ugu sheegay madaxweynaha DFS inay Shacabka reer Puntland hadleen ayna tahay RABITAANKOODA in laga guuro jhabka Guracan ee 4.5 öloona guuro DEGAAN.

Dhanka kale waxaa Xusid mudan oo ay Xaqiijiyeen Bahda warbaahinta Puntlandes in madaxweyne Dr Cabdiwali Maxamed cali Gaas uu Car-Car cusub lasoo baxay bilihii u dambeeyey isagoo kasbaday Taageero aan la koobi karin oo uga imaanaya Shacabka reer Puntland iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed. Dhan kastana oo laga EEGANA waxa reer Puntland ay Maqsuud ka yihiin ama ku qanacsan yihiin Hogaanka DR GAAS.

About The Author