Daawo Video: Madaxwaynayaasha Puntland iyo Galmudug oo soo gaadhay Kismaayo

10 Jan 2016 (Puntlandes)Waxaa magaalada Kismaayo labo wafdi oo kala ah Puntland waxaana hogaaminayay madaxweyne Cabdiweli Gaas iyo Galmudug oo uu horkacayo madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed.


186

Labada wafdi waxaa garoonka diyaaradaha ee Kismaayo ku soo dhaweeyay madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed islaan wuxuuna shir jariid oo uu ku qabtay garoonka diyaaradaha ku sheegay in magaalada Kismaayo ka furmi doono shir lagu heshiisiinayo labada madaxweyne ee Puntland iyo Galmudug.

Galabta casar gaabadkii ayaa la sugayaa in Raysulwasaare Cumar Cabdirashiid soo gaadho magaalada Kismaayo,halka wafuuda inta hadhsan maalinta Bari ah la sugayo.

Amaanka magaalada Kismaayo iyo gaar ahaan goobta shirku ka dhacayo ayaa aad loo adkeeyay.Ciidamado ayaa la dhigay goobo badan oo katirsan magaalada kuwaas oo baadhitaano kala duwan wada.

About The Author