DAAWO WAREYSI DHAMAYSTIRAN REYSULWASARIHII HORE EE SOMALIYA CALI MAXAMED GEDDI SBCTV

10Jan 2016 (Puntlandes) Raysul wasaarihii hore ee DKMG ee Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geedi oo waraysi siiyey Telefishinka SBC ayaa waxa uu ka hadlay sida ay Soomaaliya ugu baahan tahay inay uga Guurto Habka Foosha xun ee qabaliga ah ee 4.5, isagoo sheegay ina loo baahan yahay waqtigan in loo guuro Deegaan.

RW Geedi oo ka hadlayey habka 4.5 ayaa “Mar walba waxaan taageersanahay wixii Soomaalidu aysan ku kala tagayn, ummadda Soomaaliyeed inay kala tagto lama rabo, ummadda Soomaaliyeed inay iskula JOOGTO XAQDARANA LAMA RABO, kuwa DEEGAANKA dadka ka cararaya ma garanayo dad Soomaaliyeed oo dalka u dhashay inay ka cararayaan DEEGAN, maxaa yeelay dalka Soomaaliyeed ayey leeyihiin, HADAY JIRAAN DAD aaan dalkan u dhalan oo arinta QASAYA IIMAANKA ALLAHA geliyaan dhihi lahaa”

RW Geedi oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Qofka dhahay hadaan 4.5 la qaadan Dhiig baa daadanaya, wuxuu aniga qofkaas ila yahay qof BOORSADIISA xirxirtay oo Diyaarad raacaya inuu yahay”

RW Geedi ayaa intaas kusii daray inay jiraan Mas’uuliyiin gacantooda ku saxiixay Heshiiskii Garowe 1, Garowe 2 iyo Gaalkacyo agreement in Soomaaliya lagu saaro habka qabaliga ah ee 4.5, kuwaas oo iminka u ordaya in aan laga gudbin habka 4.5, isagoo iswaydiiyey “marka maanta inay yiraahdaan Saxiixaygiii shalay qalad buu ahaa”

RW Geedi ayaa yiri mar uu ka hadlayey Qoyskiisa iyo Habka 4.5 wuxuu yiri “waa run qowska aan ka wada dhalanay aniga iyo isaga (madaxweyne Xasan) waxaa dani ugu jirtaa, oo XAQ aa ka maqan ayaan aaminsanahay wali ayna ku heli karaan DEEGAAN,,,, waxaan aaminsanahay Soomali badan maaha Qoyska aan ka soo jeedo oo kaliya soomaali fara badan ayaa waxaa uga maqan 4.5 XUQUUQDOODII, Soomaali kale ayaa 4.5 KU QAADATAY SADBURSI lagu Fasiray Xal waaye”

186-3

Puntlandes.com

About The Author